Roobab ka da’ay Gedo, Bay iyo Jubooyinka.

Halkaan ka akhri

Warar kheyr badan ayaa naga soo gaaray qaar ka mid Gobollada Koonfureed ee dalka Soomaaliya, kaasoo sheegaya in Roobab mihigaan ah ay ka da’een  goboladaas oo ay  ka jireen abaaraha baahsan oo dad iyo Duunyaba galaafsatay.

Waxaa galinkii dambe ee shalay ilaa xalay ayaa Roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ku nool gobolada Gedo, Bay iyo Juubada Hoose waxa ay ka da’een deegaano iyo Tuulooyin hoostaga goboladaasi.

Sidoo kale Degmada Garbahaareey iyo Tuulooyin hoostaga oo ay ka mid yihiin Tuulo Barwaaqo, Bur-sagaar, Fargeeley, Booco iyo Makalla ayaa waxaa ka da’ay Roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada maadama sida la’ogyahay tuulooyinkaasi ay ka mid yihiin goobaha ay sida xun abaaraha ugu jiraan.

Dhanka kale inta u dhaxaysa deegaanada ku yaala Qoo-qaani iyo Degmda Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose waxaa iyana ka da’ay Roobab la mid ah kuwii ka da’ay gobolka Gedo.

Dadka ku nool gobolka Bay oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in deegaano hoostaga degmada Dinsoor ay ka da’een Roobab, isagoo intaasi ku daray in Roobabkii halkaasi ka da’ay ay ku geeriyoodeen labo ruux oo uu sheegay in iyagoo ku jira goob ganacsi ay kusoo dhacday Biriq uu watay Roobka.

Degmada Qansax dheere oo ka tirsan gobolka Bay ayaa sidoo kale la sheegay inay ka da’een Roobab aad u xoogan, hase yeeshee Roobabkan haatan ka da‘een ayaa waxay ku soo beegmayaan xilli gobolada ku yaalla Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ay ka jiraan abaaro baahsan oo saamayn baahsan ku yeeshay dadka iyo duunyada ku nool goboladaasi.

SomaliSwiss     Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: