Madaxweyne Shariif oo gaaray magaalada Jabuuti, kana qeyb geli doono xafladda caleema saarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Halkaan ka akhri

Waxaa Garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada shalay waqti danbe  ka dhoofay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed iyo xubno ka tirsan Dowladda KMG ah golayaasheeda kala duwan, iyadoo madax ka tirsan dowladda ay ku sii sagootiyeen garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Isla gelinkii dambe ee shalay Wafdiga Madaxweyne Shariif hoggaaminayo ay ka degeen wadanka Jabuuti, waxaana garoonka ku soo dhoweyay madax ka tirsan Dowladda Jabuuti, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi, iyadoo wafdiga loo sii galbiyay Hotelka Kambniski ee ku yaala magaalada Jabuuti.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa wuxuu xalay kulamo kala duwan gaar gaar ah kula qaatay madax ka tirsan Dowladda Jabuuti, diblomaasiyiin shisheeye iyo saraakiil ka tirsan qaar ka mid ah dowladaha Afrika, waxayna Kulanka uga wadahadleen xaaladda nabadgelyo ee dalka Soomaaliya, taageerada Dowladda Soomaaliya, arrimaha bani’aadaminimada iyo qodobo kale, waxaana sheegay in kulankaasi uu ahaa mid albaabada ay u xirnaayeen, balse Saakay la sheegay in la  isku afgarteen waxyaabihii laga wadahadlay.

Hase yeeshee sida wararku naga soo gaaraya magaalada Jabuuti waxay sheegayaan in maanta la filayo inuu dhacdo xaflad lagu caleema saarayo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo markii afaraad ku guuleystay doorashadii Madaxweyne ee dalkaasi ka dhacday.

Dhanka kale waxaa la filayaa  in Munaasabadaas ay ka soo qeyb galaan qaar ka mid ah madaxweynayaasha dalalka Afrika, diblomaasiyiin ka socda dalalka caalamka iyo marti sharaf oo  lagu casuumay munaasabadda caleema saarka Madaxweynenimo dalaka Jabuuti ee shanta sano soo socota.

SomaliSwiss Djibouti

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: