Shariif Xasan oo sheegay in ay Bilaabatay diiwaan gelinta Musharixiinta u tartamayso qabashada Xilka madaxtinimada dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha Barlamanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa maanta Sheegay in ay Bilaabatay Diiwaan gilinta Musharixiinta u tartamaysa qabashada Xilka madaxtinimada dalka Soomaaliya.

Xubno ka tirsan Gudiga Doorashada Madaxtinimada oo maanta kulan qaatey ayaa waxaa ay sheegeen  in ay diyaariyeen shuruudihii looga baahna in lagu soo xushto Musharx walba.

Sidoo kale wuxuu afhayeenku sheegay in shuruudaha Madaxweynaha dib ka sheegi doonaan balse ay ugu muhimsan yihiin:

–      Inuu yahay Soomaali, in da’da Musharaxa aysan ka yaraan 40 sano.

–      Inuu daacad u yahay dalka, danbina ka gelin Qaranka.

Dhanka kale waxay xubnaha guddiga sheegeen in doorashada gudoonka Barlamaanka Soomaaliya iyana ay dheceyso bisha August ee soo socota.

Ugu danbeyntii Shariif Xasan ayaa Sheegay in aysan arrinkaasi ka imaan doonin wax muran ah, waxaana uu ugu baaqay in cid walba oo Musharax ah inuu is-diiwaangiliyo Waqtiga Logu tala galay oo Bilaaban doonto 25ka Bishan April.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: