Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Sudan oo dood cilmiyeed ay qabteen ay kala qayb galeen culimo Soomaaliyeed.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Dood  cilmiyeed ay soo qaban qaabiyeen xiriirka ardayda soomaliyeed ee dalka Sudan ayaa xalay ka dhacday    halka-ka shirarka ee jamacada international university of africa ee magaalada Khartoum  ee dalka Sudan

 Madasha ama Hall-ka ay  ka dhaceysay doodda  oo ay soo buux dhaafiyeen Boqolaal  ka tirsan ardayda Soomaaliyeed oo wax ka barta Jaamacadaha wadanka Sudan oo ay wehliyeen qeybo kale oo ka mid ah  jaaliydda Soomaliyeed ee dalkaas ayay kala qeyb galeen saddex ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo halkaas booqasho ku jooga.

Culimada Dood cilmiyeedka kala qayb gashay ardayda ayay ka mid ahaayeen Sheikh Maxamuud Shibili   , Sheikh Ahmed Cabdisamad iyo  Sheikh Xassan Maxamed, iyagoo ardayda kala hadlay arima farabadan oo xoogga saarayay waajibaadka ardayda ka saaran dhanka wax barashada, ka shaqeynta midnimada, Shareecada islaamka iyo arrimo kale oo khuseeyay xaaladda dalka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii Dood cilmiyeedka ayaa ku dhamaatay jawi wanaagsan iyadoo ay ardayduna su’aalo ay waydiiyeen wadaadada looga jawaabayay, waxayna dood cilmiyeedkaasi ku dhamatay sidii loogu tala galay.
Mukhtar Max,ed Muuse (M carab)
muqtaar140@hotmail.com
khartoum-sudan

%d bloggers like this: