Akhristow: Waa maxay siyaasad? MAQAAL.

Halkaan ka akhri

Akhristow: Siyaasadu waxaa ay leedahay macno fara badan, laakiinse aan ku soo gaabiyo dhoor arimood.

Hadaba siyaasadu marka la qeexayo waxaa lagu macneeyaa in leeys waafajiyo wax yaabaha is diidan, sidda in la dhex dhigo dadka is qilaafsan hishiis, nabad jaceeyl iyo wadda noolaansho, tussaale ahaan qofka doonaya in uu noqddo siyaassi 1.waxaa lagga doonayaa in uu aqoon waafi ah u leeyahay siyaasada soona akhriyey kutubo faro badan ee ah kuwa uu jecel yahay iyo kuwa uusan jecleeyba.

2. Waa in uu yahay qof xallin karo dhibka markaasi yaalla ee jirra noqdaana {dadka looyeerrto marka dhibtu jirto}, markaassi ayuu u jeesan karaa dawggii siyaasadeed ee maamulka iyo kalla dambeeyntaba laheeyd, noqonaayana qof qadarrin ku dhex leh bulsha weeyntta kana qeeyb gali kara doorashooyinka xorta ah ee caddaalada ku dhissan, waxaad ogaataan taariikhdu ayaddaa is qorta, oo ifineeysa wax yaabaha jirrra waqtiga la taaggan yahay kana sheekeeysa waqtigii horre, midka la jooggo iyo mustaqbalka soo socda, dhab ahaantiinna ma dhacddo mar marka qaar in si dhab ah loo qeexo waayo?

Waxaa qaloocin kara siyaasiga in uu katago daacadnimada uu u hayay dadkiisa iyo dalkiisa iyo diintiisaba, qufka siyaasigga waa in uu ku kalsoon yahay Allahiisa weeyn, muujiyana kalsoonida uu ku qabo nafsadiisa. Siyaasigu waa in uu leeyahay mabda ama mowqif uu aminsanyahay kuna toosnaado mabda’iisa.

Haddaba aqristow waxaa lamma huraan noqotay in leeyska kaashado arrimahaasi dhibta iyo xanuunka badan waanna in si wadda jir ah loo ilaaliyo habsami u socodka siyaasada.

Waa sidda ey sheegeene, waxaa soo raaca, u addeega bulshada, hanti dhowristta, hurromarrinta hantida guud, waayo? middnimaadu waa wax dan u ah bulshadda ayaddoo soo martay marxalladdo kalla duwan, {midnimadu waa siyaasadda yoolkeedda} waanna mirro ka dhashay aqoon laggu dheehay oo laggu beeray bulshadda dhexdeedda, waxeeyna soo martaa amma ka timaadda duggsiyadda wax barasho, wargeeysyadda , idaacaddaha, tv,yadda ,maktabaddaha, dicaayaddaha wadooyinka laggu muujiyo sawir ahaan ,aflaantta iwm.

Waanna in loo midoobaa qarameeynta dadka, dalka iyo diintaba, lana gaarsiiyo heersare dhamaantoodba, halkaasi ayeeyna ka faracmmi karaan xisbiyo xor ah, waaggaii horre jarmalka waxuu ku midoobey in uu noqddo wadanka ka talliya dunidda oo dhan in kastoo ey u soortoobi weeydey markii dambe, midnimaddu waa wax aad ka dhex arkeeysso muuqaal ahaan dabeecadda naggu heeraarsan, midnimaddu waa wax ku bilaawddo tiro ahaan ee isbiirinayo isuna roggayo tayo ahaana wax ku ool noqonkarta, tilmaan taassinna waxeey sameeyneeysaa marqaatinna u tahay waxa nool iyo waxaan nooleeynba hadey is biirsadaan , waxaan ku soo gaba gabeeynayaa , ilbaxnimaddu waa aan midoowno, aan is fahamnno aan wadda haddalnno , aan hishiinno.

Ilbaxnimmo la,aanta , midnimmo la,aanta maanta naheeysato, hadii ey noqon laheyd aqoon yarri , maadi ah ama  midd diiniba ha ahaatee ayaa noogu wacan in aan middoobbi weeyno, naguna kalifay in aan galno tafaraaruq aan macno laheyn, dadkeeniina ku beeylahay dunnidda dacalladeedda maanta soomaaliyeey calloosheenii ayaa banaanka taal ma weeynaan arkeeyn in caruurteennii beeylaha tahay, aqoonina waddaniyadd waxa aay tahay.

Waayo dadkiinnii waa weeynaa ayaan si waafi ah u baran axyaa waddani yaa waddanii , bal aaynu oggaanno walaalaheeyga soomaaliyeedow in aqoontu aay tahay wax yaabaha lagu garto dhibta laggunna xaliyo, lagunna gaaro horumar taas oo aan meell fogg ka taagan nahay tusaal ahaan midoowga xubnaha jirka bini, aadamka waxaa ka dhasha nolol waayo haduu jirku xanuun san yahay qeeyb ka mid ah, jirka intiisa kale waa ey la xanuunsanee, midoowga waa caafimaad, waa nolol, waa bar-waaqo waana horomar , guntii iyo gaba gebbediiba aanu u fiirinno si qun yar ah una baranno culuumta diinigga iyo kuwa maaddigga ahba eynu fahamnno waxa looga jeedo ereyga siyaassad ee yeeynaan noqon uun hab,ku soo dheh , sidi taqsi fuud kuleeyl.ah ku dhacay oo kale.

Waana in loo midoobaa wax kastaa oo wanaagu ku jiro, middnimadda caalamiga ah waxeey ka dab qaadataa fikradaha caalamigga ah ee isku keena dadyoowga ee kala middabka ah iyo kala diinta ah, hawada nagu heeraarsan hadeey isbiirsato waa taa xamishay in aay diyaarad ku dhex duusho , biyaha kolkeey is biirsadaan waa kaa markabka dulsabeeynayo caradu ama (ciida) kolkeey isbiirsatay waa taa xamishay culeeys walba , shinidu markey isbiirsatay waa taa malabka macaan soo saartay,wadamadii gumeeystaha ladagaalamijirayna markeey u midoobeen in aay iska caabiyaan cadawgooda waa kaa ey xornima heleen sidda wadammo baddan oo afrikaan ah, walaallayaall haddal haan mabuuxsho {soomaalina ha garato marxaladda aaynu ku jirno ee dhibta baddan  eynu meel uga soo jeesano sidii aanu u midoowi laheeyn waayo soomaali soomaali baa leh siduu abwaanka soomaaliyeed yirriba.

Soomaali waa midd, waa ul iyo meeyrax, mataano weeyoo meelbeey ka wada timmid. midiggeey bidixi ma, ka maarantaa, madaxoow majaha, ma, ka maarantaa, mas,uuloow, shacbiga ma,ka maaranta, kalla marmmimeeysaan, ee Soomaaliyeey midigta is qabsada. Waa taas siyaasada eynu rabno in aan gaarno, maanta ha lla hello qof dalkiisa dadkiisa iyo diintiisaba daacad u ah taasi ayaanna ah il/baxnimmo .


Qoraalkan waxaa soo gaarsiiyay SomaliSwiss oo Qoray:-

Cabdulqadir Muuse Xaaji Axmed.

Cabdulqadir_Duwe

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: