Hambalyo ku socoto dhamaan xubnaha ururka SSUP, gaar ahaan Guddoomiyaha ururka SSUP iyo Guddoomiye ku-xigeenkiisa.

Halkaan ka akhri

Annagoo ah Bahda Warbaahinta SomaliSwiss Radio & Website waxaan halkan hambalyo ugu soo jeedinaynaa dhamaan xubnaha ururka SSUP gaar ahaan Guddoomiyaha  ururka SSUP  Muddane Yaasin Maaxi  iyo Guddoomiye ku-xigeenka ururka SSUP C/qaadir Cali Boolay.

Waxaana ilaahay uga baryeynaynaa  in xilka loo magacaabay uu ku garab galo, sidii ay u  gaari lahayeen ujeeddooyinka ururka oo higsanaayo oo ah in uu ummadda Soomaaliyeed isku keeno isla markaana uu Ilaah ka badbaadiyo in burburka kale  uu ku dhaco shacabka Soomnaaliyeed .

Sidaasi darted haddii aan nahay Bahda Warbaahin SomaliSwiss waxaan  halkan ku balan qaadaynaa in aad wax alla iyo wixii awoodeena ah ee lagu badbaadin karo dadka iyo dalka Soomaaliyeed aan gacan weyn ka gaysano haddii ilaahay raali ka noqdo.

Haddaba ururka SSUP wuxuu xambarsan yahay ujeedooyinkii ururkii SYL ee gobanimo doonka ahaa, waxaan ilaahay ka rajeyneynaa in ururkan uu noqdo ururkii samata-bixin lahaa shacabka Soomaaliyeed, isla markaana dib u soo nooleya fikraddii ahayd in maalin la gaari doono Soomaali-weyn oo mideysan.

Waxaan xubnaha ururka u rajaynaynaa in ay noqdaan kuwii isku duubnaada oo hadafkoodda uu yahay in ay dib u soo celiyaan sharaftii iyo haybaddii Qaranimada ummadda Soomaaliyeed ee luntay, kuna shaqeeya qaab wada tashi iyo wax wada qabsi dhab ah.

Yuusuf   Garabay – Webmaster

Dr. Axmed Dhicisow Daauud – Qore Sare

Mustaf bashir Gobdon – Agaasimaha Idaacadda

Maxamed Saadaq – Tifaaftiraha

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: