Advertisements

Madaxweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax oo ogolaaday in uu wareejiyo xilka madaxtinimada.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa ogolaaday inuu wareejiyo xukunka madaxtinimada dalkiisa, kadib todobaadyo banaan baxyo xooggan oo dhacay Magaalooyinka uga waaweyn dalka Yemen, kaasoo dhaliyay rabshado iyo kacdoono looga soo horjeeday Xukunka uu ku haystay dalkaas in ka badan mudada 30-sano.

Dhuufaan Siyaasadeed iyo isbeddelada ka socda wadamada carbeed ayaa dalka Yemen uu  ka mid yahay, hase ahaatee Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax ayaa noqonaya Hogaamiyihii 3aad ee Carbeed oo xukunka wareejiya, kadib mudaahaaradyadii dhacay ay ku qasbeen, sidoo kale Wareejinta ayaa ku timid, markii jimcihii la soo dhaafay ay aheyd maalintii ugu weyneyd ee banaan baxyo ka qeyb qaataan boqolaal kun.

Rabshado ka dhacay dalka Yemen ayaa keenay inay soo fara geliyaan Golaha Iskaashiga Qaliijka oo ay ugu horeyso Sacuudi Carabiya, kuwaasoo ugu dambeyn qorshe u dajiyay inuu xukunka ku wareejiyo.

Dhanka kale Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax ayaa shuruud ku xiray inuu wareejiyo xukunka, waxaana uu sheegay in marka uu talada dalka wareejiyo aan waxba loo raacan karin isaga iyo qoyskiisa, sharcigana lala tiigsan karin, isla markaana aan la soo daba gelin.

Sida lagu soo warramay qorshahan oo la isku raacay ayaa wuxuu dhaqan galayaa muddo bil gudahood, oo ay ku saxiixaan Mucaaradka, waxaana kadib Cali Cabdalla Saalax uu xukunka dalkaas ku wareejin doonaa Madaxweyne Kuxigeenkiisa.

Sida la wada ogsoon yahay Yemen ayaa waxaa dadkeeda lagu qiyaaso 23-milyan, waxayna tahay dalka ugu saboolsan wadamada Carabta, waxaana inta badan deeqaha mucaawinada ay ka helaan dalalka dibada, sidoo kale waxaa aad u yar wax soo saarka Saliida dalkooda.

Madaxweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa muddo labaatankii sano ee u dambeeyay saaxib dhow la ahaa Mareykanka, iyagoo ku bahoobay iskaashiga la dagaalanka Al-Qaacida, ee ka dagaalama dalkaas, sidoo kale waxaa uu dagaal kula jira Kooxo Shiico ah oo gooni u goosat ahaa.

Hase yeeshee Telefishinka dalka Yemen ayaa laga shaaciyay in Madaxweynaha uu ogolaaday inuu xukunka wareejiyo, kadib maalmo wada hadalo u socdeen Golaha Iskaashiga Khaliijka oo soo fara geliyay xaalada Libiya markii ay cirka isku shareertay.

Si kasta ha ahaatee Wadamada Carabta ayaa waxaa ka taagan qalalaaso siyaasadeed iyo kacdoono, waxaana kacdoonkii u horeeyay ee ka dhacay Tunisia uu geesinimo geliyay qaar ka mid ah shucuubta dalalka Carabta oo ku dhiiraday inay iska dul qaadaan xukunada keli taliska ee dalkooda ka jira, ee muddo xukunka sii haya.

SomaliSwiss      Sanca

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: