Gudiyada Joogtada Baarlamanka KMG oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xafiiska Shariif Xasan.

Halkaan ka akhri

 Gudiyada Joogtada ah ee Barlamaanka KMG ah ayaa waxay maanta Kulan xasaasi ah uga socdaa Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shariif Aadan, sida la sheegay waxaa kulankan shir guddoomiya Isla Shariif Aadan, waana Shir uu albaabada u xiran yahay, waxaa la sheegay in kulankan looga hadlayo arrimaha marxalada dalka iyo warqadii Ra’iisul Wasaaraha khamiistii u gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka.

War ka soo baxay ilo ku dhqw-dhow Xafiiska Guddoomiyaha Barlaanka ayaa sheegaya in Gudoomiyuhu uu kala tashanayo Xubnaha Gudiyada Joogtada Baarlamaanka arrinta la xiriirta  kulan wada tashiga ee Xukuumada ugu yeertay Gudoonka Baarlamaanka, kaasoo haatan dhiilo xoog leh uu ka dhashay.

Kulanka ayaa la sheegayaa in Gudoonka Baarlamaanka ka soo saari doonaan war cad ah oo ay saxaafada uga warbixiyaan go’aanka ay ka qaateen kulanka ay soo jeediyeen Golaha Wasiirada ee loo saaray Gudiga heerka Wasiir ee uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Farmaajo in Gudoonka Baarlamaanka iyo Xubnaha Gudiyada Joogtada inay kala tashadaan sidii la isugu waafaqi lahaa waqtiga Dowladda KMG.

Warku wuxuu intaa uu ku darayaa s in Gudoonka Baarlamaanka uu aad uga carooday qaabkii loo soo qoray warqaddii R/wasaare Farmaajou soo diray Xoghaynta Barlamaanka, taasi oo saaka si kulul warbaahinta ugu jawaabay Xildhibaan Cumar Islow.

Sidoo kale Cumar Islow oo ah Xogheynta Baarlamaanka ayaa sheegay in kulanka Golaha Wasiirada uu ahaa mid shirqool oo aan daacadi ku dheehneyn, isagoo xusay in Caalamka la doonayo in loo bandhigo in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu diidan yahay kulanka wada tashiga, waxna lagu sii kala fogeeyo.

Hase yeeshee waxaa laga dhursugayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan in Xildhibaanada Baarlamaanka uu shiriyo maalmaha soo socda, si uu ugu gudbiyo waxyaabihii ka soo baxay shirkii wada tashiga Nairobi, kaasoo lagu go’aamiyay in muddo kordhinta Baarlamaanka laga dhigo labo sano.

Dhanka kale waxaa jira arrimo badan oo xilligan kala guuka ah is dhinac socda, kaasoo siyaasada Dowladda uu sii cusleysiinayo, marka loo eego kala qeybsanaanta Baarlamaanka dhexdiisa iyo khilaafka adag ee Hey’adaha Dowladda xilligan ka dhex taagan.

Hase yeeshee sida muuqata Madaxweyne Shariif iyo Ra’iisul Wasaare Farmaajo  ayaa isku mowqif ka ah arrinta khilaafka ee ku saleysan marxalada kala guurka ee Dowladda KMG, idhinaca kale  Gudoomiyaha Barlamaanka iyo xubno ka tirsan Barlamaanka ay doonayaan in waqtiga Xukuumada uu ku eg yahay bisha Agosto, kuna adkwysanay in  xilligaas la qabanayo doorashada Madaxweynaha.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: