Dagaal shalay galab ka dhacay degmada Dhuusa Mareeb, balse saakay ay xaaladeedu degan tahay.

Halkaan ka akhri

Waxaa  galabnimadii shalay ahayd uu dagaal xooggan ka dhacay degmada Dhuusa Mareeb , hase ahaatee waxaa lagu soo warramayaa in saakay Xaaladeedu degan tahay, kadib markii degmadaas ay ku dagaalameen Xarakada Al-Shabaab iyo Ahlusunnah, waxaana muddo saacado ah gacan ku hayey  Xarakada Alshabaab oo dagaal lama filaan ah ku soo qaaday,waxaana la sheegay in saaka ay dib ugu soo laabteen dadkii deegaanka ee ka cararay, kadib markii ay xalay ka baxeen Ciidamada Al-Shabaabka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Ahlusunna oo aad u fara badan ay Saaka soo gaareen degmada Dhuusa Mareeb, kuwaasoo ahaan gurmad waxayna ka kala yimaadeen ku soo galayeen deegaanada ay maamulaan Culumaa’udiinka Ahlusuna.

Ciidamada Ahlusuna oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa gudaha iyo daafaha degmada Dhuusa Mareeb lagu arkayaa, iyagoo dhaq dhaqaaqyo ciidan wada.

Hase yeeshee Saraakiisha Ahlusuna ayaa wax war ah ka soo bixin, inkastoo Hogaankooda ay tilmaameen inay ku jiraan xaalad ciidan,waxaana ilaa iyo haatan wax war ah laga heyn khasaarihii ka dhashay dagaalkaas inta ku dhimatay iyo dhaawacuba.

Balse qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in khasaaraha dhimasho uu geystay dagaalkii shalay galab ka dhacay degmada Dhuusa Mareeb ay gaarayaan ilaa 10 qof, kaasoo uu ku jiro nin madaxa looga jiray iyo  sidoo kale waxaa  jira dad ay nolol ku wateen.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegay in mudadii ay ku sugnaayeen Shabaabka Magaaladaas ay ku jirtay  jahwareer iyo cabsi, waxayna Shabaabka ay galeen Xarumaha Maamulka Ahlusuna, Saldhigooda Keydka Hubka oo ay ka qaateen Hub fara badan.

Sidoo kale waxay bililiqo u geysteen goobaha ay ka mid yihiin Xarunta Idaacada Dhuusa Mareeb ee ku hadasha Afka Maamulka,halkaas oo ay ka qaateen wixii qalab ee yaalay, waxay kaloo agab kala duwan ka qaateen Xarumaha Hey’adaha Sama falka, waxaana ka mid ahaa agabkaas Computero iyo qalab kale.

SomaliSwiss      Dhuusa Mareeb

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: