Ciidamada dowladda oo la sheegay in ay ku wajahan yihiin degmooyinka Garbahaarey iyo Baardheere, oo ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in uu ka jiro dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh, sidaasdarteed wararka kale ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda ay ku wajahan yihiin  degmooyinka Garbahaarey iyo Baardheere, halkaas oo ay ku sugan yihiin Xarakada Al-Shabaab, halkaasoo aheyd deegaanada maalmihii la soo dhaafay abaabulka ka wadeen.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG ayaa sheegay inay weerar ku yihiin deegaanada ka haray Gobolkaas, si ay uga saaraan Al-shabaab,sidoo kale warar ayaa  sheegaya in Ciidamo fara badan ay ka soo ruqaansadeen magaalada Beled-xaawo, kuwaasoo aan la ogeyn inay la socdaan Ciidamo Itoobiyaan ah.
Maxamed Cabdi Kaliil oo ah Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Dowladda ay duulaan ku yihiin Garbahaarey iyo Baardheere, isla markaana waqtiyada soo socda uga saari lahaayeen sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dagaalo muddo saddex maalmood qaatay uu ka dhacay deegaano ka tirsan degmada Ceel-waaq, kuwaas oo khasaare badan geystay, iyadoo dagaalkaas Xarakada Al-Shabaab ay ku qabsadeen Ciidamada Dowladda saanad Milater ah.

Sida ay Warbaahinta ay sheegtay in Wasiirka gaashaandhiga ahna Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka C/xakiin Xaaji Fiqi uu dhowaatan gaaray qeybo ka mid ah Gobolka Gedo, taasoo la sheegay inay sii xoojin doonaan dagaalka ay Ciidamada dowladda kula jiraan Xarakada Alshabaab, hase ahaatee warar ayaa sheegaya in Ciidamo fara badan oo kuwa Dowladda ah ay u diyaarsan yihiin degmooyinkii laga Al-Shabaab.

SomaliSwiss      Balad-Xaawo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: