Tababaraha farsamada Miinooyinka ee Al-Shabaab oo ay miino kula qaraxday magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose

Halkaan ka akhri

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya xarun lagu tababaro ciidamada xarakada Al-Shabaab, gaar ahaan cutubyada u qaabilsan qaraxyada miinooyinka xero ay ku lahaayeen duleedka magaaladaasi laga maqlay qarax miino oo gilgilay guud ahaan magaalada Marka, kaasi oo dadka degan magaalada ay si weyn uga argagaxeen.

Daqiiqado kaddib markii uu qaraxa Miino ka dhacay xeradaasi waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan xarakada Al-Shabaab, kuwaasi oo iyagu xiray dhammaanba waddooyinka ku dhow, iyadoo halkaasi ay gaareen saraakiil ka tirsan dagaalyahanada ajaanibta ah ee ku sugan magaalada Marka iyo degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose, iyagoo goobtaasi ugu tegay meydka sarkaal u dhashay wadanka Pakistan oo ku geeriyooday qaraxa miino uu ku tababarayay in ka 20-wiil, taasi oo iyadu iskeed u qaraxday.

Mid ka mid ah ehelada wiil gacan-yare u ahaa sarkaalka Pakistaaniga ah ee xarakada Al-Shabaab u qaabilsanaa farsamada miinooyinka iyo tababarada qaabka loo dhigo amaba loo tuuro bambooyinka iyo miinooyinka oo diiday inaan magaciisa shaacino sababo nabadgelyo awgood ayaa sheegay in qaraxaasi sababay dhimashada laba toddobaad kahor uu ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose.

Dhinaca kale Madax iyo saraakiil isugu jirta Soomaali iyo ajaanib ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Marka waxay uga hadleen qaraxa miino iyo sarkaalka ku geeriyooday, waxaana kulamadaasi oo socday muddo saddex maalmood ah wararku dhow dhow ay sheegayaan in si KMG ah loo xiray xerada uu qaraxa ka dhacay, iyagoona u magacaabay mid ka mid ah dagaalyahanada ajnabiga ah ee Al-Shabaab ka caawiya dagaalada iyo tababarada qaraxyada ay dalka ka wadaan.

SomaliSwiss     Merka

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: