Waa sidee xaaladda magaalada Muqdisho Maanta ?

Halkaan ka akhri

Dagaaladii shalay ilaa iyo xalay ka dhacayey qaybo ka tirsan magaalada Muqdisho oo ay isaga soo horjeedeen Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-Shabaabayaa ayaa warka saaka naga soo gaaray ay sheegaya in  Xaalada ay degan tahay, gaar ahaan degmada Boondheere oo ahayd goobtii lagu dagaalamayey,.

Balse warku wuxuu intaa ku daray in dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo qeybo ka mid ah degmadaas oo ay ka wadaan Ciidamada Dowladda KMG ah.

Sidoo kale Wararka aanu ka heleyno aagaga Boondheere ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay wadaan dhaq dhaqaaq ku aadan sidii ay mar kale weeraro ugu qaadi lahaayeen aagaga Bariga Muqdisho, oo xilligan Shabaabka gacanta ku hayaan.

Dhanka kale sida ay Warbaahinta u sheegeen Saraakiisha Dowladda in Ciidamada Dowladda ay wali ku sugan yihiin goobihii shalay la wareegeen, isla markaana waxay tilmaameen in Ciidamadooda ay ku sugan yihiin Isgoyska Maana-Booliyo ee degmada Shibis.

Hase yeeshee Saraakiishu waxay sheegeen in xaafadaha degmada Boondheere ay ka wadaan baaritaano la xiriira miinooyin ku aasan, kuwaasoo la geliyay godod iyo dhufeysyo Shabaab horay uga sameysteen degmadaas.

Si kasta ha ahaatee waxaa la caddeeyey in dagaaladii shalay ka dhacay degmada Boondheere ay ahaayeen kuwo culus oo geystay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac u badnaa dhinacyadii dagaalamayay.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: