Dhalinyaro xalay lagu dilay Xaafada Buul-Xuubey oo Saaka la arkay Meydadkooda.

Halkaan ka akhri

Waxaa saakay lagu arkay Xaafadda Buulo-Xuubey degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Meydadka labo dhalinyaro ah, kuwaas oo aan la garanayn ciddii ka danbeysay dilkooda.

Sidoo kale Jirka Meydadka labo dhalinyaro ah ayaa ka muuqatay Rasaas xoogan kuwaasi waxaana la caddeeyey in  xalay lagu dilay  Xaafadaasi.

Sida ay sheegeen dadka  deggan xaafadda Xaafadda Buulo-Xuubey oo arkay Meydadka dhalinayradaas in rasaasta ugu taalay qaarka hor ee jirkoodu, waxaana dhalinyaradaasi Meydadkoodu saakay lagu arkay Xaafadaas, gaar ahaan guryaha Bangiyada.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo saakay Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xalay abaaro 11-kii habeenimo ay maqleen rasaas xoogan, hase ahaatee wuxuu sheegay in aroorinimadii hore ee saakay ay xaafadaasi ku arkeen Meydadka labo dhalinyaro ah oo gacmaha ka xir xiran islamarkaana rasaasta lagu dhiftay owgeed aan la’aqoonsan karin wajiyadooda.

Sida Warbaahinta ay sheegtay in Meydadka dhalinyardan ilaa iyo barqadnimadii maanta ay yaaleen gudaha Xaafadda Buulo-Xuubey, balse dadka deegaanka ay wadaan sidii lagu aqoonsan lahaa Meydadka dhalinyaraaas iyo sidii loo aasi lahaa.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: