Xarakada Al-Shabaab oo xabsiga u taxabtay Dhaqaatiir iyo Kalkaaliye-yaal Soomaali ah.

Halkaan ka akhri

Xarakada Al-Shabaab oo muddo Todobaad ah Xabsi ku hayay Dhaqaatiir iyo kalkaaliye yaal caafimaad oo Soomaaliyeed markii ay ka qafaaleen goobo kala duwan oo ay ka shaqeynayeen, waxay maanta sheegeen inay ku xakumeen min 15 sano oo xarig ah, iyadoo aan la shaacin dambiga loo haysto sababta loo qafaashay.

Shaqaalahaas Caafimaad oo ka koobnaa 10 qof  oo isugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad oo hawlo shaqo ka waday deegaanka Xaawo Cabdi iyo Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayay maanta sheegeen Xarakadu in Maxkamadda Al-Shabaab ee Wanla-Weyn ay ku ridday xakunkaas, iyadoo aysan cid ka warqabtaa jirin sharciga loo cuskaday iyo dambiga lagu haysto.

Dhakhaatiirta maanta la xukumay ayaa toddobaadkii hore Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab waxay ka qabteen xarumo caafimaad oo ku yaalla deegaanada  Xaawo Cabdi, Lafoole iyo Ceelasha biyaha oo ay dadka barakacayaasha ku nool yihiin, waxayna dhakhaatiirtaas mudo ku dhow hal toddobaad ku xirnaayeen xabsi ku yaalla Wanlaweyn.

dhakhaatiirtaan iyo  iyo kalkaaliya-yaasha oo dhammaantood ah Soomaali, waxaa xilligii la soo xirayey ay hawlo caafimaad ka sameynayeen deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho, iyadoo aan ilaa iyo hadda la garanayn sababta rasmiga ah ee  Al-Shabaab ku qoon sadeen dad ka shaqaynayay howlaha caafimaadka oo kaliya .

Al-Shabaab ma sheegin sababta ay u xireen dhaqaatiirta, isla markaana u xakumeen dhaqaatiirtaas iyo kalkaaliye-yaashaas Soomaaliyeed oo daawaynayay dadka laga barakiciyay Magaalada Muqdisho ee u qaxay Duleedka caasimadda, gaarahaan meelaha loo bara kacay ee u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: