Dowladda Talyaniga oo sheegtay in ay Soomaaliya ka taageerayso sugidda amaanka iyo tababaridda ciidamada dowladda.

Halkaan ka akhri

Franco Frattini oo ah Wasiirka arrimaha dibadda wadanka Talyaniga oo ka hadlayay kulan loogu arrinsanayey xaaladda Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha dibbadda Talyaniga ayaa sheegay in dowladdisu ay ka taageereyso dawlada KMG sugida amniga iyo tababasrida  ciidamada ammaanka si wax looga qabto ammaan xumida Soomaaliya ka jirta.

Sidoo kale Wasiirku wuxuu sheegay in dawladda Talyaanigu ay door muuqda ku leedahay hanaanka nabad raadinta Soomaaliya isla markaana ay garab taagan tahay cid kasta oo wax ka qaban karta dhibaatadda ka jirta Soomaaliya.

Franco Frattini wuxuu sheegay in xukuumadda Roma ay xukuumadda KMG ka saacidayso sugida amniga iyo tababarida ciidamada amaanka.

Dhanka kale Wasiirku wuxuu caddeeyey in Soomaaliya ay ku taageereen lacag dhan 27 Million Euro ah, taasoo ay ugu talo galeen wax ka qabashadda amaanka iyo arrimaha bini’aadanimada ee ka jirta Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay wadamada kale ururka Midwga Yurub inay caawiyaan Soomaalida.

Wadamada ku jira ururka Midawga Yurub ayaa dhawr jeer ku cel celiyay inay taageerayaan dowladda KMG ee Soomaaliya oo dagaalo kula jirta mucaraadka hubeysan ee Al-Shabab.

SomaliSwiss Roma

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: