Maraykanka oo sheegay in ciidamada AMISOM ee Muqdisho jooga uu siinaya Malaayiin Dollar.

Halkaan ka akhri

Wasaarada arrimaha dibbadda dalka Maraykanka Waaxda Afrika ayaa sheegtay in Mareykanku uu  ku taageerayo ciidamada Midawga Africa ka jooga Soomaaliya ee AMISOM 5.8 million oo Dollar, taasoo qeyb ka ah taageerada Maraykanka ee hawlgalka Ciidamada AMISOM.

Sidoo kale War saxaafadeed ka soo baxay waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in xukuumadda Washington ay ka go’an tahay taageerida hawlaha lagu xoojinayo amaanka iyo xasiloonida Soomaaliya taasina ay tahay sababta ka dambeysa in dhaqaalo lagu taageero ciidamada nabad illaalinta Africanka ah ee Soomaaliya jooga.

Warku wuxuu intaas uu ku darayaa in dhaqaalaha dowladda Maraykanku ku taageerayso ciidamada AMISOM ay timid kadib hishiis ay Marayakanka iyo Midawga Africa dhex maray bishii August ee sanadkii hore, kaasi oo dhigayay in Marayakanku taageero la garab istaago ciidamada Midawga Africa.

Dhanka kale Maraykanku ayaa sheegay inay sii wadayaan taageerada ay siiyaan ciidamada midawga Africa iyo dawlada KMG si loo hubiyo in amaanka Soomaaliya sugan yahay waxaana Marayakanku ku amaanay ciidamada AMISOM hawlgalada ay Soomaaliya ka wadaan.

Hase yeeshee Maraykankanka ayaa wuxuu ka mid yahay dawladaha sida weyn u taageera hawlgalka nabad illaalinta midawga Africa ee AMISOM waxayna tani timid maalin ka dib markii hogaamiyaasha bariga Africa ay caalamka ugu baaqeen in la taageero ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan.

SomaliSwiss Washinton

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: