Heyadda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR oo xaflad u qabatay Jaalliyadda Soomaalida dalka Kenya.

Halkaan ka akhri

Heyadda Qaxootiga ee QM oo u  Qabatay Xaflad Jaalliyadda Somalida Kenya

Heyadda qaramada midoobey u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR oo ay iskaashanayaan shirkadda Dahabshiil, oo ah shirkadda xawaaladda ee ugu ballaadhan Afrika, ayaa wadajir u qabtay xafladdii ugu horraysay ee noqota munaasabad ay iskugu yimaaddaan jaalliyadda Somalida ee Kenya.

Munaasabaddaasi oo loo bixiyey “Hadda Ayaan Garanayaa”, waxa kale oo ka soo qaybgalay abwaaniin iyo fannaaniin waaweyn oo isku jira Soomaali iyo Kenyaan oo caan ah, waxana la xusay xaaladaha qurba-joogta Soomaalida ee ku nool dalka Kenya.

Ujeeddada munaasabaddani waxay ahayd in la xuso oo kor loo qaado dhaqanka Soomaalida, loona bandhigo oo la tuso qawmiyadaha kale, waxa ay mudan yihiin Soomaalidu iyo xaaladaha qurba-joogta ku sugan Kenya.

Roberta Russo, oo ah madaxa xafiiska warbaahinta ee UNHCR u qaabilsan Somalia, ayaa munaasabaddaasi ka sheegtay: “Waxan rajaynaynaa in munaasabaddani ay noqoto bilawgii xilli cusub oo u bilaabmay is-dhexgalka iyo wada xidhiidhka dadweynaha Kenya iyo jaaliyadaha Soomaalida, kuwaasi oo isku garab noolaa muddo tobannaan sano ah.”

“Waxannu u doorannay halhayska ‘Hadda Ayaan Garanayaa’, si aannu ugu gudbinno dadweynaha Kenya inay si fiican u fahmi karaan nolosha iyo dhaqanka Soomaalida iyo duruufaha keenay halkan. Waana arrin muhim ah marka laga hadlayo is-dhexgalka in dadka Kenya ay fahmaan sababaha soo qixiyey Somalida, sida ay Soomaalidy u arkaan nolosha Kenya amma ay dareensan yihiin, iyo inay dantu ku kalliftay inay halkan u soo cararaan, oo aanay jirin wax kale oo ay ku bedelan karayeen.”

In ka badan 3000 oo qof ayaa ka soo qaybgalay munaasabadaas oo lagu qabtay dugsiga sare ee xaafadda Eastleigh oo ka tirsan magaalada Nairobi, 16-kii bishii April ee 2011.

Xafladda waxa kale oo goobjoog ka ahaa, kaalinna ka qaatay abwaaniin iyo fannaaniin waaweyn oo isugu jirey Kenyaan iyo Somali labadaba, waxana ka mid ahaa heesaaga reer Kenya ee Erick Wainaia, fannaanka Jua Kali, kooxda Somalida ee Waayaha Cusub, jilaaga ree Kenya ee Eric Omondi, iyo abwaanka reer Somaliland ee Muhammed Ibrahim Hadraawi.

Madaxa maamulka guud ee shirkadda Dahabshiil, Abdirashiid Duale (dahabshiil), ayaa isna sheegay in shirkaddu ay ku faraxsan tahay inay ka qaybqaatadato munaasabaddan, taasi oo ah tii ugu horraysay ee nooceeda ahayd ee lagu qabto Kenya. Waxanu intaasi ku daray inuu rajaynayo in munaasabaddani ay dhiirigelin doonto is-dhexgalka iyo is-fahamka dadaweynaha reer Kenya iyo jaaliyadaha Soomaalida. Waxananu weligayo ku dedaali doonnaa, ayuu yidhi Abdirashiid, in aannu gacan ka geysanno fursadaha noocan ah, si aannu hore ugu marino is-dhexgalka jaaliyadaha qurba-joogta ah.

Waxa kale oo munaasabaddaasi hadal ka jeediyey Daud Aweys oo ka tirsan laanta Somaliga ee BBC da, waxanu ka hadlay arrimaha la soo gudboonaada ee horyaalla Somalida ku sugan Kenya. Waxanu ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo iskaashi iyo is-dhexgal ay yeeshaan dadyowgu. Waxa kale oo uu ku bogaadiyey shirkadda Dahabshiil iyo heyadihii kale ee soo qaban qaabiyey munaasabaddan dedaalka ay sameeyeen.

Shirkadda Dahabshiil waxay leedahay taariikh ilaa 40 sano ah oo ay waddey taageeridda jaaliyadaha Soomaalida ee ku kala baahsan adduunka, sanad kastana waxay ku bixisaa lacag gaadhaysaa ilaa $1 milyan oo dollar mashaariicda horumarinta dadweynaha iyo deeqaha kale, 144-ka dal ee shirkaddu ka shaqayso.

Dalalka bariga iyo badhtamaha Afrika, Dahabshiil waa tan ugu horraysa sharikadaha gaarka loo leeyahay ee taakulaysa cusbitaallada iyo xarumaha caafimaadka – waxay gacan ka geysataa daawooyinka iyo qalabka, deeqaha  maaliyadeed, iyo dhismaha kaabayaasha.

Geeska Afrika, Dahabshiil waxay kaalin wax-ku-ool ah ka qaadatay hawlaha gargaarka ee ka socda gobolkaasi, iyadoo bixisay deeqo badan iyo kaalmooyin xagga maamulka, qaybinta iyo gaadhsiinta hantida gargaarka banii’aadminnimada meelaha loo kala dirayo, iyo la shaqaynta ururada ka wada mashariicda horumarinta ee degaannada xiisadaha, abaaraha, iyo macaluushu ay ka jiraan. Ilaa 90% heyadaha caalamiga ah ee ka shaqeeya gobolkaasi Geeska Afrka, oo ay ku jiraan heyadaha Qaramada Midoobey, heyadda caafimaadka adduunka ee WHO, Bangiga Adduunka, OXFAM, Sanduuqa Xannaanada Caruurta iyo Care International, dhammaan waxay ku tiirsan yihiin adeegyada xawaaladda ee Dahabshiil

Abdirashiid waxa kale oo uu sheegay in xawaaladdu ay tahay laf-dhabar muhim u ah nolosha Somali badan oo ku kala baahsan dalalka Afrikada bari, kuwaasi oo taakulayn ah ka hela debadda, loona soo mariyo Dahabshiil, xawaaladaaasi oo si weynna ay ugu baahan yihiin maalgelintooda gaarka ah. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in xawaaladaha gobolkaasi ay wax weyn ka tareen kobcitaanka sharikadaha isgaadhsiinta, gaadiidka, guriyeynta, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada iyo caafimaadka.

Shirakadda Dahabshiil waxay aasaasantay sanadihii 1970-aadkii, waxayna ka saasaasantay Somaliland, iyadoo waqtigaasi ahayd sirkad ganacasi oo guud. Laakiin waxay haatan noqotay shirkadda xagga xawaaladda ugu ballaadhan Afrika. Waxayna si weyn u maalgelisay oo ay baahisay goobaha lacag-qaadashada iyo lacag-qabashada. Taasi waxay keentay in degaannada aadka u fogfog ee aan la gaadhi jirin ee Geeska Afrika ay haatan si joogto ah u heli karaan wixii lacag ah ee looga soo diro debadda.

Ka sakow guulaha caalamiga ah ee shirkaddu ka gaadhay ganacsigeeda, haddana weli waxay ku dhaqantaa siyaasad ah inay macmiisheeda ka qaaddo khidmad jaban, kana yar inta ay ka qaadaan  sharikadaha kale ee caalamiga ah marka la barbar dhigo. Taasi waxay u suurtogelisay in macmiisha qurba-joogga ahi ay soo xawili karaan lacagayow joogto ah oo khidmad fudud ay bixin karaan, meel kasta oo ay adduunka ka joogaan iyo xaddi kasta oo lacageed oo ay xawiliyaanba.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: