Wasiirka Gaashaandhiga oo kormeer ku tegay degmooyinka Balad-xaawo, Doolow iyo Luuq oo ka wada tirsan G/Gedo.

Halkaan ka akhri

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda KMG ah C/Xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa oo shalay kormeer ku tagay qaar ka mid ah degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo oo dhawaantan dagaal kula wareegeen Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya.

Wasiirka iyo Wafdigiisa waxay kormeerkooda ku tageen degmooyinka Balad-xaawo i, Doolow iyo degmada Luuq, waxayna halkaas  kula kulmay maamulka degmooyinkaas waxayna  la hadleen qeybaha bulshada, gaar ahaan odayaasha dhaqanka, ururrada bulshada iyo waliba saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca, waxaana kulankaasi looga wadahadlay arrimaha nabadgelyada, samafalka iyo sidii loo xoojin lahaa dagaalka lagula jiro xarakada Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda KMG ah C/Xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi oo la hadlayey Mas’uuliyiinta degmada Luuq wuxuu yiri: “Runtii aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay booqashada aan ku imid gobolka Gedo, anigoo u mahad celinaya ciidamada Dowladda KMG ah oo gobolka ka sifeeyay kooxaha nabad-diidka Al-Shabaab..”

Sidoo kale C/Xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa wuxuu Saxaafadda uga warbixinayay socdaalka uu ku tegay gobolka Gedo, waxa uu sheegay inuu booqday degmada Luuq, Doolow iyo B/Xaawo, isla markaasina kulamo kala duwan uu la yeeshay maamulada Dowladda KMG ah, odayaasha, waxgaradka iyo qeybaha bulshada ku dhaqan saddexdaasi magaalo oo ka wada tirsan gobolka Gedo.

Dhanka kale warar dheeraad ah oo aanu ka heleyno booqashada Wasiirka gaashaandhigga uu ku tegay gobolka Gedo ayaa sheegaya in marka ay u dhammaato uu uga sii gudbi doono gobolka J/hoose, gaar ahaan degmada Dhoobley iyo degaanno kale oo ka tirsan gobolka, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ah kuwaasi oo dhowaan lagu soo tababaray dalka Kenya isla markaana dagaallo is xigxigay oo guulo ay ku soo hooyeen kula galay xarakada Al-Shabaab, ayna kala wareegeen degaanno ay ka mid tahay Dhoobley iyo tuulooyin kale oo ka wada tirsan gobolka J/hoose.

Wasiirka gaashaandhigga DKMG ah C/Xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi oo u waramayay Idaacadda VOA-da ayaa sidoo kale ka hadlay dib u dhaca ku yimid ciidamada Dowladda KMG ah ee ku aadan ballanqaadkeedii ahaa 90-cisho gudahood inay kula wareegeyso magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay Md. Fiqi in mudadaasi ay dowladdu ay ku tallaabsatay guulo fara badan, wuxuuna tilmaamay in ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ay la wareegeen goobo istiraatiiji ah sida Wasaaradda Gaashaandhigga, Warshadda Caanaha iyo aagag dhowr ah oo xarakada Al-Shabaab ay kala wareegeen.

Sidoo kale Wasiirku wuxuu sheegay in howlgalada lagula dagaalamayo Al-Shabaab aanay wax saameyn ah ku yeelan doonin khilaafka u dhaxeeya madaxda iyo hay’adaha Dowladda KMG ah, isagoona caddeeyay in hadda Dowladdu ku mashquulsan tahay habeynta ciidamada iyo isku duba ridkooda si ay u soo degdegaan guulaha dambe ee ciidamada Dowladda ay ka gaarayaan dagaalada ka socda Muqdisho iyo gobolada dalka ee ay uga saarayaan Al-Shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wuxuu kaloo uu ka hadlay Wasiirku saameynta xukuumadda uu ku yeeshay kala aragti duwanaanshihii shirka Nairobi ayuu sheegay Wasiirka difaaca Dowladda Md. Fiqi in shirkaasi uu ahaa mid aan dalka iyo dadka wax dan ah ugu jirin, sidaasi daraadeedna go’aankii dowladda ay ka qaadatay ayuu caddeeyay inuu ahaa mid ay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba uga heshay taageero, wuxuu rajo ka muujiyay caqabadaha ka dhex jira Dowladda inay midnimo uga gudubto.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: