Guddi hoosaadyada Golaha Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo sheegeen in go’aanka Golaha Baarlamaanka uu yahay lama taabtaan…

Halkaan ka akhri

Guddi hoosaadyada Golaha Baarlamaanka KMG Soomaaliya, kana mid ah Xildhibaanada Golahaas ayaa ka hadlay kulan ay shalay la yeesheen Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan, waxayna labada dhinac ka wadahadleen arrimaha shirka dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu ka qeyb galay Shariif Xasan, hase yeeshee markii uu u soo bandhigay go’aanadii ka soo baxay shirka Nairobi ayaa waxaa arrintaasi gaashaanka u daruuray Xildhibaanada.

Mudane Cawad Axmed Cashara oo ka mid ahaa Xildhibaanada kulanka la yeeshay Guddoomiye Shariif Xasan ayaa sheegay in go’aanka Baarlamaanka ee mudada saddexda sano ah ku kororsaday ay tahay mid lama taabtaan ah, wuxuuna sheegay inay ka hor yimaadeen markii Shariif u sheegay in Baarlamaanka dib uga laabto saddexda sano.

Xildhibaan Cashara  oo ka hadlayey sharciyada Barlamaanka ayaa wuxuu yiri: “Sharciyan marka Baarlamaanka go’aankiisa wax laga bedelayo lix bil kaddib ayuu dastuurka dhigayaa” wuxuuna sheegay in inta badan qodobada ka soo baxay shirka Nairobi ay dhaawac ku yihiin dowladnimada Soomaaliya iyo jiritaanka Golaha Baarlamaanka.

Dhanka kale Xildhibaanada kulanka la yeeshay Guddoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan oo iyagu intooda badan ku taageeray ka qeyb galkiisa shirka Nairobi, waxaana  ka mid ahaa Xildhibaanada ka hadlay kulankaasi Xildhibaan Cumar Islow oo sheegay iyagu inuusan waxba ka quseynin shirka Nairobi iyo qodobadii ka soo baxay, wuxuuna sheegay in go’aanka Golaha Baarlamaanka uu yahay lama taabtaan.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: