Degmooyin ka tirsan Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo maanta ka dhacay dagaallo aad u culus.

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray degmada Dhooblay ayaasheegaya in maanta ay dagaallo ka dhaceen deegaano ka kala tirsan degmada Ceel-Waaq ee Gobolka Gedo iyo  degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose.

Degmada Ceel-Waaq ee Gobolka Gedo

degmada Ceel-Waaq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa waabarigii saaka dagaal ku qaadeen Ciidamo ka tirsan Xarakada Alshabaab, oo mudooyinkan waday diyaar garow iyo abaabul dagaal, waxayna dagaalkii saaka ka dhacay meel la yiraahdo Isgoyska Aboodo ay Ciidamada Al-Shabaab ay ka soo weerareen dhowr jiho, xilli maalmihii u dambeeyay deegaano ka tirsan Ceel-Waaq ka jireen xiisado iyo dhaq dhaqaaqyo.

Sidoo kale  warar ayaa sheegaya in ku dhowaad toban qof ayaa  ku dhintay  dagaalkaaas, kuwaas oo ka kala tirsanaa dhinacyadii dagaalamay , halka qaar kale ay ku dhawacmeen, iyadoo goobaha la isku fara saaray ay ahaayeen meelo miyi ah.

Afhayeenka Ciidamada Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in dagaalka saaka ay qaadeen, isla markaana ay guulo ka gaareen, wuxuuna xusay in saanad milateri iyo Taliskii Ciidamada Dowladda ku sugnaayeen inay la wareegeen.

“Waxaan kula wareegnay Taliskii Ciidamada, saanadoodii Milateri ee ay Ciidamada Kirishtaanka soo siiyeen, saddex baabuur oo cabdi bileyaasa ayaa ka qabsanay”ayuu yiri Sheekh C/casiis Abuu Muscab.

Dhanka kale Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in dagaalka uu labada dhinacba ka soo gaaray khasaarooyin kala duwan, wuxuuna xusay in weerarka ay ku soo qaadeen Shabaab, balse ay Ciidamada dowladda gaashaan u duruureen ayna jebiyeen, Kuwii ku soo duulay.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa beeniyay in haba yaraatee saldhig lagala wareegay, waxaana uu tilmaamay in Ciidamada Dowladda ku sugan yihiin goobahooda sida uu hadalka u dhigay.

Hase yeeshee warka ayaa sheegaya in dagaalkii saaka dhacay uu ahaa kii ugu xooganaa ee ka dhacay qeybo ka mid ah Gobolka Gedo, tan iyo dagaaladii bil ka hor ka dhacay degmada Beledxaawo, kaasoo ahaa mid dhaliyay khasaare fara badan oo u badnaa dhinacyadii dagaalamayay.

Degmada Ceel-Waaq ee Gobolka Gedo

Warar kale ayaa ka imaanaya degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in dagaal saaka ay degmada Ceel-Waaq ee Gobolka Gedo ku qaadeen deegaano ka tirsan degmadaas oo dhaca dhanka duleedka ay ku qabsadeen tuulooyin ay isku uruursanayeen Shabaabka.

Dagaalka ayaa la sheegayaa in Ciidamada Dowladda ay ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Shabax oo ka tirsan tuulooyinka hoos taga Dhoobley, iyadoo dagaal muddo saacado qaatay uu halkaas ku dhex maray Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen dagaalyahano dhowr ah, ragg saraakiilna ay ku qab qabteen, inkastoo aanay sii xusin tirada saraakiisha.

Dagaalka ayaa la sheegay in goor hore oo barqanimadii ahaa uu istaagay, waxaana la soo sheegayaa in labada dhinac wali wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo diyaar garo.

Ciidamada Dowladda ayaa hada u muuqda in ku dhowaan 100-KM ay ka dhaqaaqeen degmada Dhoobley, iyagoo hada kulaalaya dhanka deegaanka Afmadow.

Si kasta ha ahaatee dagaalkan ayaa noqonaya kii labaad oo ka dhacay Jubada Hoose, tan iyo markii dhowaan Ciidamada Dowladda ay qabsadeen degmada Dhoobley.

SomalSwiss    Dhoobley

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: