Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhiga oo saxaafada u soo bandhigay dhalinyaro ku hubeysnaa qoryaha fudud ka soo baxsatay xarakada Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Wasaarada Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay dowladda isu soo dhiibeen Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsanaa xarakada Al-Shabaab ee ku kala sugan G/Banaadir iyo G/Gedo.

Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhiga C/rashiid Maxamed Xidig ayaa saxaafada ugu soo bandhigay afar dhalinyaro ah oo ka soo baxsatay aaga Boondheere, kuwaas oo ku hubeysnaa qoryaha fudud.

Sidoo kale Wasiir Ku-xigeenka oo saxaafada u soo bandhigay dhalinyaradaas ayaa sheegay in sida balantu aheyd ay ku wareejiyeen lacagihii ay Dowladda u qoondeysay dhalinyaradii Shabaab ka soo goosta iyaga iyo macal hubkooda.

Dhanka kale qaar ka mid ah dhalinyaradaas oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay inay ku jireen aagaga Boondheere, isla markaana laga keenay Gobolada dalka, gaar ahaan degmada Ceelbuur.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in sidoo kale Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo ku sugan G/Gedo uu  isna u soo bandhigay saxaafada sarkaal watay ilaa 9-dhallinyaro oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab, kuwaasoo ahaa Ciidamadii ka dagaalamayay dhanka Beledxaawo, balse Xildhibaanku wuxuu sheegay in maalmihii u dambeeyay ay isku soo dhiibeen dhallinyaro ciidan u ahaa Al-Shabaab oo tiradoodu ay gaarayso ilaa labaatameeyo.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: