Midowga Afrika oo shaaca ka qaaday in Ururkoodu uu ka hortagi doono weerar kasta oo kaga yimaada dhinaca Xarakada Al Shabaab.

Halkaan ka akhri

Warka ka soo baxay Madaxda Sare Ururka Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in Ururku uu  ka hortagayo weerar kasta oo kaga yimaada dhinaca Xarakada Al Shabaab, iyagoo dhinaca kale in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay horumar ka sameeyeen dagaalada Muqdisho.

Sidoo kale Ururka Midowga Afrika ayaa shaaca looga qaaday in Ururku uu diyaar u yahay sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha dalka Soomaaliya iyo sidii looga hortagi lahaa Xarakada AL Shabaab oo dagaalo culus kula jira Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM.

Warkan oo laga soo baxay Xarunta Ururka Midowga Afrika ee ku taala magaalada Addis’ Ababa ee dalka Ethiopia ayaa lagu sheegay in la soo dhamaystiri doono Ciidamadii dhawaan la balan qaaday ee lagu xoojinayay Ciidamada 8-kun kor u dhaafaya ee ka kala socday wadamada Uganda iyo Burundi kuwaasi oo ku sugan Magaalada Muqdisho dagaal ba’ana kula jira Xarakada Shabaab.

Bayaan kasoo baxay Xafiiska Ururka Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in horumar balaaran ay sameeyeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda marka laga hadlayo dhinaca dagaalada, waxayna qabsadeen fariisimooyin cusub oo ay horey gacanta ugu hayaan Shabaab, sidaas darteed bayaanku waxaa lagu caddeeyey in lagu rajo wayn yahay in qaabka Ciidamada AMISOM wax badanlaga badelo.

Bayaankan ayaa waxaa lagu soo qaatay in Dhawaantan  ay dowladaha Uganda iyo Burundi oo Ciidamo ka jooga Soomaaliya ay booqasho ku yimaadeen magaalada Muqdisho Saraakiishooda ugu sar saraysa   iyagoo kormeer ku sameeyey fariisimaha iyo goobaha ay kala wareegeen Xarakada Shabaab.

Bayaanka ka soo  baxay Ururka Midowga Afrika ayaa ku soo beegmaya xili Madaxda ugu sar sareysa Ururkaasi shalay ay shaaciyeen inay badleen Sarkaalka ugu sareeya Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya Nathan Mugisha kaasi oo la sheegay in waqtigiisa uu ku egyahay dhamaadka bishan April islamarkaana lagu badli doono Sarkaal kale oo Cusub.

SomaliSwiss     Addis’ Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: