Ban Ki Moon oo sheegay in burcad badeeda lacirib tiri karo, haddii la xaliyo dhibaatooyinka siyaasadeed iyo amaan ee dalka Soomaaliya.

 

Halkaan ka akhri

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa waxaa uu fariin u diray in ka badan 50-dowladood iyo Ururro Caalami ah oo shir uu uga socda Isu tagga Imaaraadka Carabta gaar ahaan Magaalada Madinat Jumeirah, waxaana ugu baaqay in loo baahan yahay in la qaado talaabo midaysan oo ka dhan ah kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Mr. Ban Ki-Moon ayaa waxaa uu sheegay in dhibaatooyinka burcad badeeda Soomaalida aysan ahayn cudur ka dhashay biyaha hase ahaatee, waxaana uu xusay in la ciribtiri karo burcad badeeda Soomaalida haddii la xaliyo dhibaatooyinka siyaasadeed iyo kuwa amaan ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya.

Mr. Ban Ki-Moon oo ka hadlayey arrintaas wuxuu yiri: “ Tani waa billow wanaagsan oo dhiiro galinaysa Madaxda ka qeyb galaysa shirka, balse wali waxaa jira arimo farabadan oo u baahan in laga hadlo, waxaan ugu baaqayaa dowladaha daneeya wax ka qabashda Burcad badeeda Soomaalida inay gacan wayn ka geystaan sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka burcad badeeda” .

Ugu dambeyn Shirkaani oo maanta lagu wado in uu ku soo gaba-gaboobo Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa la tilmaamay in wajigiisa uu yahay lacago ururin oo ay samaynayaan shirkadaha ganacsiga iyo dhamaan dowladaha ka qeyb galay shirkaasi kuwaasi oo donayna in wax laga qabto dhibaatooyinka sii badanaya oo ay wadaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

SomaliSwiss    Dubai

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: