Wasaaradda Arimaha gudaha & Amniga oo soo saartay amar lagu mamnuucayo banaanbaxyada iska soo horjeeda iyo shirarka siyaasadeed.

Halkaan ka akhri

Waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanaya banaan-baxyada iska soo horjeeda iyo shirarka siyaasadeed ee lagu qabanayay Hotelada ayaa markii u horeysay Dowladda KMG si cad u shaacisay in la mamnuucay, kadib markii Maamulka Gobolka Banaadir oo isna sidaas si la mid ah uu horay u mamnuucay.

Ibraahim Isaaq Yarow oo ah Wasiir kuxigeenka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa sheegay in la mamnuucay banaan baxyada iyo shirarka, kaasoo uu sheegay in mudooyinkan ay soo kordhayeen, waxaana uu cadeeyay in aan la qaban karin banaan bax ama shirar aan amar looga heysan Wasaarada Arrimaha Gudaha.

Sidoo kale Wasiir kuxigeenka wuxuu xusay in Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka ay wado qorshayaal lagu xoojinayo ammaanka, si looga hortago falalka ammaan darada, isagoo xusay in banaan baxyada ay keeni karaan falal ammaan daro.

Sida la wada ogsoon yahay Jimcihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay banaan-bax la isku rasaaseeyay, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidamo is rasaaseeyay, oo qaarna ilaalinayay kuwana ahaa Ciidamo ka socday Maamulka Gobolka Banaadir.

hase yeeshee amarkan lagu mamnuucay banaan-baxyada ayaa imaanaya xilli shalay banaan-bax looga soo horjeeday shirkii wada tashiga iyo imaanshaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan oo shirkaas ka qeyb galay.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: