Waa sidee xaaladda magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Xaaladda magaalada Muqdisho ay aheyd in mudda ah mid degan ayaa waxaa saaka qeybo ka mid ah degmada Hodan ka dhacay dagaalo dhex maray Ciidamada Dowladda kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Xoogaga Al-shabaab.

Goobaha ay saaka ka dhaceen dagaalada ayaa waxaa ka mid ahaa Warshadii hore ee Caanaha iyo nawaaxigeeda oo dhowaan ay la wareegeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda, waxaana la maqlayay hubka cul culus ee la is weydaarsanayeen.

Sida la sheegay waxaa Dagaalkii saaka soo qaaday  Xarakada Al-Shabaab oo dhowr jiho ka weeraray warshada Caanaha iyo qeybo ka mid ah degmada Hodan oo ah goobaha ay isku hor fadhiyaan dhinacyada ku dagaalamaya Caasimada Muqdisho.

Sidoo kale Saraakiil u hadashay Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaaladaas, iyagoo tilmaamay in weeraro qorsheysan ay ku qaadeen aagag ku yaala degmada Hodan oo horay loogula wareegay, balse ma cadda waxa ay ku guuleyteen.


Dhanka kale goobaha la isku hor fadhiyo ayaa waxaa laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo ay is weydaarsanayaan dhinacyada iska soo horjeeda ee aagagaas ku kala sugan.

Hase yeeshee ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Dowladda oo ku aadan dagaaladii saakay ka dhacay agagaarka Warshadii Caanaha.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: