Qaxooti Soomaali ah oo ka soo cararay dagaalka ka socda dalka Libya oo QM. magangalyo waydiistay.

Halkaan ka akhri

Qaxooxti Soomaalia ah oo ku xayiran Xadka ay wadaagaan dalalka Tunisia iyo Liibiya ayaa ka dalbaday Qaramada Midoobay inay siiso magangalyo.

Wakaaladda Wararka dalka Kuwait ee KONA ayaa sheegtay, in Qaxooti Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso ilaa 3-kun oo ku go’doonsan Xuduudaha u dhaxeeya dalalka Tunisia iyo Libiya ayaa ka dalbaday Qaramada Midoobay inay siiso magangalyo.

Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ee dalka Tunisia ayaa laga soo weryey in Wasaaradda arimaha gudaha ee dalka Tunisia ay u diiday Qaxootigaasi inay galaan gudaha dalkaasi, balse waxaan la sheegin sababta ay dowladda Tunisia ugu diiday inay qaabisho Qaxootigaasi.

Sidoo kale Warku wuxuu intaasi ku darayaa in markii dalka Liibiya ay ka bilaawdeen qulqulatooyinka siyaasadeed ay jireen Qaxooti Soomaaliyeed oo ku geeriyooday gudaha dalkaasi, hase ahaatee waxaa maalmihii u dambeeyay isa soo tarayay in Qaxootiga Soomaalida ah oo ka cararay dalkaasi ay gaarayeen xuduuda dalka Tunisia.

Hase yeshee Waxaa la sheegay inay jira Qaxooti Soomaali ah oo tiradoodu ay aad u yartahay kuwaasi oo nasiibka u yeeshay inay galaan gudaha dalka Tunisia balse gadaashan dambe ay dowladda Tunisia xirtay xadka ay la leedahay dalka Liibiya si  ay ugu hortagto qul-qulka Qaxootiga dadka ka cararaya dhibaatooyinka ka jira Liibiya.

Si kasta ha ahaatee waxaa la sheegayaa in Qaxooti Soomaali ah oo tiradoodu gaaraysa ilaa 3-da Kun ay ku xayiran yihiin Xadka u dhaxeeya Liibiya iyo Tunisia, waxaa qaxootigaas gacanta ku haya Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta.

SomaliSwiss   Kuwait (KONA) 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: