Majidka Sheikh Zaa’id ee magaalada Zürich oo Xalay lagu soo gabagabeeyey Muxaadaro Silsilad ah oo Socotay dhowr maalmood.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Waxaa xalay Maqrabkii si rasmi ah loogu soo gabagabeeyey Majidka Zaa’id ee ku yaala magaalada Zürich Muxaadaro Silsilad ah oo socotay dhowr maalmood, Muxaadaradan ayaa waxaa soo jeedinayey Sheikh Cabdulqaadir iyo Sheikh Cismaan oo ka yimid dalka Ingiriiska, martina u ahaa Jaaliyadda Sooaaliyeed ee Kanton Zürich ee dalka Switzerland.

Sheikh C/qaadir iyo Sheikh Cismaan ayaa si faahfaahsan uga Hadley dhinacyadii kale duwanaa ee Muxaadarooyinkii Silsilada ahaa ee ayaamahan siinayey Somaalida ku dhaqan magaalada Zürich ee dalka Switzerland.

Sidoo kale Duruustii kale duwanayd ee Culumadaas ay bixiyeen ayaa Soomaalida ku nool Kanton Zürich si fiican uga faa’ideystay, waayo Culimadu waxay si aad uga hadlay qodobo la xiriira nolosho qurbaha, gaar ahaan dadka Muslimka ee ku nool wadamada loo soo haajiray ee Gaalada ku badan.

Hase ahaatee labadaa Sheikh waxay Muxaadarooyinkooda la xiriitay:-

–   Muhimada Midnimada dadka Walaalaha ah iyo Kala qeybsanaanta Umada.

–   Geerida

–   Qabriga iyo Qaalibka

–   In la rumeeyo Qiyaamaha iyo maalinta Aakhiro

–   In Ilaahey si dhab ah loo talo saarto.

–    Ilaahey oo lagu kalsoonaado Xilliga dhibta & Barwaaqadaba.

Culimadan waxay  ka xadleen xaaladda ay ku sugan yihiin Muslamiinta Soomaaliya, sidaas darted waxay Soomaalida Zürich ka wacyi geliyeen ina is walaalsadaan dhibka ka jira qurbahana u Midoobaan.

Si kasta ha ahaatee waxaa xalay  wadaadadu ku soo gabagabeeyeen muxaadaro ku saabsaneed Alle ka Cabsiga iyo jiritaanka Aakhiro, waxayna ka soo qayb galayaasha ku baraarujiyey in qof kasta lagula xisaabtamayo xaaladda uu ku dhinto,Tusaale ahaan haddii qofka uu dhex jiro Cibaadeysi ama Macsiyo, sidoo kale Wadaadadu waxay sheegay in Alle ka Cabsigu uu qofku ku ilaalin karo Naftiisa, wuxuuna sheegay in Allaah uu Adoomadiisa uu Dulmin balse ay iyagu naftiisa, intaas kadib dadkii ka soo qayb galay ayaa waxaa loo furay inay  Culimadu ay su’aalo weydiinsan karaan, waxaana halkaas la keenay Su’aalo qoraal ah oo badidooda laga wada jawaabaabay.

Ugu danbeytii Sheikh Cabdulqaadiriyo Sheikh Cismaan waxay Soomaalida kula dardaarmay inay qabsadaan xariga Ilaahay, midnimadoodana ilaaliyaan, wuxuuna Soomaalida ugu duceeyey kheyr badan.

SomaliSwiss      Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: