Dawlada wadanka Uganda oo sheegtay in ay badashay taliyihii ciidamada AMISOM ee Uganda ee ka hawl gala dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Dawlada wadanka Uganda ayaa sheegtay inay badashay taliyaha ciidamada AMISOM ahna taliyaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya ka hawl gala.

Col Felix Kulayigye oo ah Afhayeenka ciidamada Midawga Africa ayaa u sheegay wargeyska Daily Monitor ee ka soo baxa dalka Uganda, in la badalay taliiyihii ciidamada Uganda ahna taliyaha ugu sareeya ciidamada AMISOM ee ka hawl gala Soomaaliya Gen Nathing Mungisha waxaa lagu badalay  sarkaal kale oo lagu magacaabo Bareeg Faredrik Mungisha oo ahaa taliyaha ciidamada madaafiicda goobta ee dalka Uganda.

Sidoo kale Col Felix Kulayigye, ayaa sheegay in taliyaha cusub uu xilka la waregayo bisha May ee sanadkaan iyadoona uu taliyaha xilligaan ee AMISOM uu Uganda dib ugu noqon doono daba yaaqayada bishaan aanu ku jirno ee April.

Dhanka kale Afhayeenku wuxuu tilmaamay in magacaabista talyahaan cusub ay kala tashadeen golaha amaanka iyo nabad galyada Midawga Africa iyo madaxda dawlada Soomaaliya waxaana uu intaa ku daray in waqtiga taliyaha xilligaan uu dhamaaday.

Afhayeenka ciidamada Uganda Col Felix Kulayigye oo hadalkiisa wato wuxuu yiri: “Waxay xaflada xil wareejintu dhaceysaa horaanta bisha May ee sanadkaan dabcanna waxay noogu dhamaan doontaa si guul leh”.

SomaliSwiss    Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: