Wafdi ka socda kooxaha la dagaalanka burcad badeeda oo maanta lagu soo dhaweeyay Hargeysa.

Halkaan ka akhri 

Madaxweyne- Ku -Xigeenka MGSL, ahna Ku Simaha Madaxweynaha SL, Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Maanta ku qaabilay xarunta Madaxtooyada, Wafti ka socda kooxda labaad ee la dagaalanka burcad badeeda  oo heer caalami.

Waftigan oo uu hogaaminayay Guddoomiyaha Kooxda labaad ee la dagaalanka burcad badeeda Mr. Thomas Winkler  iyo laba xubnood  oo kala ah Anne Marie Agaasinka bariga Africa ee UNDOC iyo Shamus Mangun  la taliyaha dhinaca xeer ilaalinta ee UNDOC. 

Sida la sheegay Socdaalka waftigan ayaa wuxuu daba socday wafti hore u tegay Gobollada woqooyiga Somalia oo uu hogaaminayay u qaabilsanaha Qaramada midoobay ee la dagaalanka budh-cad badeeda caalamka oo dhan  UNODC, YURY FEDOTOV  oo dhamaadkii bishii saddexaad ee sanadkan 2011-ka socdaal ku tegay caasimada labaad ee Soomaaliya ee Hargaysa.

Sidoo kale kulanka Madaxweyne- Ku -Xigeenka MGSL, Mudane Saylici uu la yeeshay Waftigan waxaa ku wehelinayay wasiirka wasaaradda Caddaalada iyo Garsoorka Pro. Ismaaciil muumin Aar,Wasaiirka wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada Mudane Cabdilaahi Jaamac  Cismaan (Geeljire) iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Iyo Horumarinta Dr: Sacad Cali Shire,waxaanay Xukuamada iyo waftigani kawada hadleen doorka ay ku leedahay  Somaliland hawlaha la xiriira ilaalinta badaha iyo wixii wax yeelaya Isu Socodka Dhanka badaha taas oo ay isku Af-garteen labada Dhinacba.

Xukuumada MGSL iyo waftigu waxay ku heshiiyeen inay yeeshaan kulamo kale oo  Ambaqaad ah oo  deg-deg ah isla markaana jawaab cad ka bixinaya gocashooyinka Somaliland ee ku aadan doorka looga baahan yahay in ay ka qaadato waajibaadka ay bulshada caalamku ugu jirto la dagaalanka burcad badeeda.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: