Banaanbaxyo looga soo horjeeday Shariif Xasan Sh. Adan oo Maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri 

Waxaa agagaarka Garoonka Diyaaraha Muqdisho ka dhacay Bannaanbax looga soo horjeedo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, kadib markii laga warhelay inuu saakay dib ugu soo laabanaayo Muqdisho Gudoomiyaha.

Banaabaxayaashu ayaa waxay u badnaayeen Haween iyo caruur waxayna  ku qeylinaayay erayo lidi ku ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, dadkaasi qaarkood  waxay ku dhawaaqayeen waa in lala xisaabtamaa kuwii ka qeybgalay shirkii Nairobi.

Sidoo kale dibadbaxayaasha ayaa waxay ka soo horjeedeen xubno ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo xildhibaano la socda Gudoomiyaha kuwaasi oo ka qeybgalay shirkii Nairobi.

Hase yeewshee banaanbaxan ayaan la ogeyn cidda soo abaabushay, waxayna dadka banaanbaxaayay si weyn u diidanaayeen Shirkii ka dhacay Magaalada Nairobi, sidoo kale waxaa dorraat magaalada Muqdisho lagu rasaaseeyay dad dhigayay bannaanbax lagu taageerayay shirkaasi.

Dadka bannaanbaxayey ayaa la sheegay inay socod dheer ku soo kala bixiyay wadada isku xirta KM4 ilaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: