Shir looga hadlayo burcad badeedda Soomaaliya oo oo berri ka furmi doona magaalada Dubai.

Halkaan ka akhri 

Waxaa maalinta berri ah magaalada Dubai ee ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ka furmi doono shir looga hadlayo dhibaatooyinka kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay ka wadaan Xeebaha Soomaaliya, shirkaasi oo ay soo dhaweysay Qamaramada Midoobay.

Sidaas waxaa magaalada Nairobi ka sheegay La taliyaha gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Jack Lang wuxuu sheegay inay soo dhawaynayaan shirka lagu wado in lagu qabto isu taga Imaaraadka Carabta, loogana hadli doono waxyeelada kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Mr. Jack Lang ayaa wuxuu ugu mahadceliyey abaabulka shirkaas Wasiirka arimaha dibadda ee dalka isu taga Imaaradka Carabta Amiir Abdullaahi, kaasi oo uu sheegay in si qiimo leh uu ugu casuumay shirkaasi looga hadlayo arimaha burcad badeeda, waxaana uu tilmaamay in Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay Ban-ki Moon uu gaarsiiyay  warqad  Casuumaad ah taasi uu kaga soo qeyb galayo kulnkaasi. 

Kulanka shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowladda  isu taga Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan in ka badan 60-wadan, Ururo Caalami ah, Ganacsato iyo shirkadaha Maraakiibta iska leh, kaasi oo  lagu falanqayn doono  dhibaatooyinka burcad badeeda ay ka wadaan Xeebaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsanba.

Sida lagu sheegay warkan waxaa shirkan uu socon doono labo maalin, waxaana hal ku dhig looga dhigay Global Challenge,  waxaana lagu doodi doono sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka sii kordhaya oo ay kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah ay ku afduubnayaan Marakiibta iyo doomaha ganacsi ee isticmaala Gacan biyoodka Cadmeed.

SomaliSwiss  Dubai

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: