“Tacsi Tiiraanya leh “Innaa lillaahi wa innaa Ileyhi Raajicuun “.

Halkaan ka akhri 

 Geerida waa xaq – Nafkastana wey  dhadhamineysaa..   

Sidaas darteed haddii aan nahay bahda Warbaahinta Shabakada SomaliSwiss iyo Radio SomaliSwiss waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga diraynaa Ehelladii, Qaraabadii iyo Caruurtii uu ka tegay walaalkeen Marxuum Maxamed Dubbad oo ku geeriyooday shalay magaalada Geneve ee dalkan Switzerland, maantana lagu Aasayo isla magaaladaasi.

 Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Dubbad, waxaan Illaaheen uga baryeynaa inuu jannadii fardowsa ka waraabsho eheledii, Qaraabadii iyo Caruurtii uu ka tegeyna uu Samir iyo Iimaan ka siiyo. 

Sidoo kale dhammaanteen samir iyo iimaan Alle ha inaga wada siiyo, gadaasheedna Alle inama fidneeyo, Aamiin Aamiin Aamiin.

SomaliSwiss       Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: