Muxaadarooyin Diini ah oo Maalmahan ka socda Masaajidada Turkiga iyo Masjidka Sheikh Zaa’id ee magaalada Zürich ee dalka Switzerland.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE

Halkaan ka akhri

Waxaa maalintii shalay oo Jimcaha ahayd ilaa iyo maalinta Axad ah oo ay taariikhdu tahay 17da April, ka socon doono Masjidka Turkiga iyo  Masjidka Weyn ee Sheikh Za’id ee Magaalada Zürich barnaamijyo Diini ah iyo Muxaadarooyinba.

Barnaamijka Diiniga ah iyo Muxaadarooyin waxaa bixinaya Culumo Soomaaliyeed ee ka yimid dalka Ingiriiska, waxayna  marti ay u yihiin Soomaalida ku nool Kanton Zürich, culumadan oo ay ka mid ah Sheikh C/qaadir Cali iyo Sheikh Cismaan, waxay shalay galab ka bixiyeen Muxaadarooyin Cinwaakooda kala ahaa Midnimada Umadaha Islaamka iyo Xasuusta Geerida.

Waxaa ugu horreyntii Sheikh  Cismaan ka hadlay Midnimada dadka Walaalaha ah oo Muslimka ah, wuxuuna sheegay in Hadalka Ilaahay oo ah Qur’aanka Kariimka ay ku jiraan Aayado badan oo sheegaya in Mindnimada dadka Islaamka ee walaalaha ah ay tahay qodob aad u muhim ah, wuxuuna tusaale ahaan u soo qaatay qaar ka mid ah Aayadahaas, Sida  Aayadii ahayd in la qabsada Xariga Ilaah “ wactasimuu Bixablillaahi, walaa tafaraquu”….

Hase yeeshee sheikhu wuxuu caddeeyey in sidoo kale ay jiraan Axaadiis Saxiix ah oo badan oo Nabi Maxamad CSWS oo ka hadlaya midnimada Uamadaha Islaamka, balse wuxuu tusaale ahaan u soo qaatay tafaraaruqa iyo burburka ku dhacay Soomaalida meelkasta ay jogaan, taasina oo keentay lex-jecleysiga iyo Xasadka.

Sheikh  Cismaan wuxuu dhegeystayaasha Muxaadaradaas u sheegay in Diinta Islaamku ay dadku u horseedeyso Midnimada, wuxuuna taasi uu tusaale ahaan u soo qaatay in Umadaha Islaamku ay ku mideysan yihiin: hal Ilaah, hal Nebi, hal Kitaab, hal Qiblo, hal Taariikh, hal Cadow iyo hal Ujeedo oo la tiigsanayo oo ah Jannda.

Dhanka kale Sheikh C/qaadir Cali ayaa ka hadlay maduuc Cinwaakiisu ahaa xasuusta Geerida ” Geeridu waa xaq“, balse qof intuusan Geeriyaanin maxaa laga doonayaa?, sidaas darteed qofku waa inuu Akaradiisu u sahay qaataa, Adduunkiisuna uu u shaqaystaa.

Sheikh C/qaadir Cali wuxuu sheegay in taas lagu gaari karaa oo keliya in qof uu qaato wixii waanaga Alle iyo Rasuukiisu ay fareen, kana Reebtaanooda wixii laga Reebay, sidaas darteed wuxuu sheikhu ku celceliyey in qofku uu adduunku ku yahay marti ugu sii gudbaayo Aakhiro geerida dabadeedna lagula xisaabtamayo camalkiisa.

Muxaadarooyin ay bixinayeen Wadaadan ayaa waxay si toos ah u taabanaysay guud ahaan Umadaha Islaamka,   Umadda Soomaaliyeed  gaar ahaan Soomaalida ku nool Qurbaha, siiba Soomaalida Kanton Zürich.

Maalintii Jimcaha ahayd iyo Sabtida ayaa waxa uu Sheikh Cismaan uu  ka jeediyey khudbaddii Salaada Jimcaha oo saabsaneed Tarbiyada Caruurta wuxuuna si cad oo waafi uga hadlay Waajibaad waalidiinta Islaamka ka saaran tarbiyada Caruurtooda, gaar ahaan Muslimiinta ku nool Qurbaha ee loogu badan yahay.

Ugu danbeyntii waxaa Kulanka shalay ee kheyrka badan Muxaadarada ku dhamaatay si wanaagsan, halkaas oo laga soo  jeediyey ducooyin loo ducaynayo Soomaalida meelkastoo ay joogaan, waxaana la Iclaamiyey in maalinta sabtida iyo axadda ay soo socon doonta Muxaaradaad.

SomaliSwiss    Zürich

SomaliswISs@hotmail.com

%d bloggers like this: