Mas’uul ka tirsan Maamulka Puntland oo maanta duhurnimadii lagu dilay magaalada Gaalkacyo…

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta duhurnimadii Qarax miino ah oo ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo lagu dilay Mas’uul ka tirsanaa Maamulka Puntland, iyadoo qaraxaas ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale.

Dad goobjoogayaal ayaa waxay sheegeen in qaraxa miinadaas uu ahaa miinada dhulka hoostiisa lagu aasay, lagana haga meel ka fog fog meesha ay ku aasan tahay, taas oo lala beegsaday gaari uu watay Agaasimaha Wasaarada Garsoorka, Diinta iyo Awqaafta Maamulka Puntland, Marxuum Sheekh Ismaaciil Xaashi Xuseen.

sidoo kale Warku wuxuu intaa ku darayaa in qaraxa ay la kacday gaariga uu watay Sarkaalkan, iyadoo ay ku dhaawacmeen labo qof oo rayid aheyd, kuwaas oo ka ag dhowaa halka qaraxa ka dhacay.

Hase ahaatee qaraxaas kadib ayaa waxaa halkaas yimid  Ciidamo fara badan oo kuwa Ammaanka Puntland ah, kuwaas oo hareereeyay Xaafada qaraxa uu ka dhacay oo lagu magacaabo Is-Raac, inkastoo aan gacanta lagu dhigin cida ka dambeysay.

Balse sida la sheegay in dilka Sheekh Maxamed Ismaaciil uu yimid kadib markii shalay la sheegay inuu ka khudbeeyay mid ka mid ah masaajidada kadib salaadii jimcaha, kaasoo uu ku sheegay in qaraxyada iyo falalka ammaan daro laga soo abaabulo Koofurta Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Waqooyiga Magaalada Galkacyo qeybta Puntland ay maamusha ka jiray falal ammaan daro oo isugu jiray qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo lagula bartilmaameedsanaya dadka waxgalka iyo saraakiisha Maamulka.

SomaliSwiss    Zürich

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: