Nin madax u ahaa burcad badeeda Soomaaliya oo lagu maxkamadeynaya gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.

Halkaan ka akhri

Waxaa magaalada Norfolk ee Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka lagu maxkamadeynayaa nin la sheegay in uu madax u ahaa burcad-badeedii Soomaalida ee dishay afartii muwaadin ee Mareykanka.

Ninka maxkamada lagu soo taagay ayaa magaciisu lagu sheegay Mohammad Saaili Shibin, da’diisu lagu sheegay inuu 50 jir yahay, loona   haysta in uu dhex-dhexaadin ka dhex waday qoysaska afartii Mareykanka iyo burcad-badeeda, waxaana uu gor-gortan ugu jiray lacagta madaxfurashada.

Edeysanahan ma uusan ka mid aheyn 14-kii ruux ee soo qafaalay muwaadiniinta Mareykanka, balse waxa lagu eedeeyay in uu qeyb ka ahaa weerarkaasi amaba soo diray burcad-badeeda.

Hase yeeshee Dowladda Mareykanka ayaa iyadu aaminsan soo qabashada ninkan in ay tahay guul weyn, waxaana ay sheegeen in ay dhaawaceyso sii socoshada howlaha burcad-badeeda maadaama ninkani yahay madax sare.

Sida la sheegay Ninkan soomaaliga ah ayaa qayb ka ah 14-burcad-badeed oo 13-soomaali yihiin midna Yemeni yahay oo Mareykanka la keenay kuwaasoo lagu eedeyay in ay ka dambeeyaan dilka iyo afduubka muwaadiniin Mareykan ah.

Muwaadiniinta Mareykanka ee la dilay ayaa kala ah Phyllis Macay, Robert A. Riggle, Jean iyo Scott Adam, waxaana markii la qafaalanayay kusii jeedeen jasiiradda Salalah oo ka tirsan dalka Cuman.

Si kasta ha ahaatee Maxkamaddii maanta dhcday ayaa waxay aheyd mid gaaban oo ku eg kaliya ah dhageysiga garyaqaanada labada dhinac.

SomaliSwiss     Virginia

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: