Advertisements

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf oo sheegay in shirka Nairobi uu qayb ka yahay ololaha lagu burburinayo Qaranka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo ku nool wadanka Yeman ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan shirkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaasi oo uu soo qabanqaabiyay xafiiska QM u qaabilsan Soomaaliya, wuxuuna ruug cadaaga siyaasadeed ee C/llaahi Yuusuf uu ku tilmaamay shirkaasi inuu qeyb ka yahay howlihii socday oo uu isaga qudhiisa isku casilay.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf wuxuu sheegay in shirka Nairobi loogu qabtay maamulada Soomaalida uu qeyb ka yahay ololaha lagu burburinayo qaranimada wadanka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in wafdiga Baarlamaanka ka socda ee uu hoggaaminayo Shariif Xasan kana qeyb galay shirkaasi haddii Baarlamaanka u diray uu Golaha soo hordhigo wixii uu kala soo kulmay.

Sidoo kale C/llaahi Yuusuf waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo wafdiga Xildhibaanada ah ee ka qayb galay shirkaasi aanay wax kalsooni ah ka heysan golayaasha xukuumada, isla markaana sharcigu dhigayo in wafdiga Baarlamaaniga ah uu ku baxayo saxiixa iyo ogolaanshaha Madaxweynaha, sidaas daraadeedna ay muuqato inuu hareer maray sharciga xukuumada, wuxuuna sheegay C/llaahi Yuusuf in wax sharci darro ah aan lagu maamuli karin dadka iyo dalka.

Hase yeeshee  wuxuu madaxweyne C/llaahi Yuusuf sheegay inuu si fiican u yaqaano Shariif Xasan, wuxuuna caddeeyey in ujeedo gaar uu wato, balse uu doonaynin dan Qaran, bakse Madaxweynuhu wuxuu intaas uu raaciyey in Shariif Xasan horay loogu sameeyay ballanqaadyo aanu haatan cadeynin waxa ay yihiin iyo cida u ballanqaaday.

Dhanka kale C/llaahi Yuusuf wuxuu sheegay in dadka reer Puntland aanay quseynin qof shaqsi ah dan uu wato, taasi oo loo fasiran karo wafdiga Madaxweyne Faroole inuusan matalin Puntland, wuxuuna sheegay in xilligii uu Madaxweynaha ahaa ay jireen wadamo iyo hay’ado shisheeye oo ku howlanaa in Soomaaliya aanay marnaba cagaheeda isku taagin.

Ugu danbeyntii C/llaahi Yuusuf wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey oo tala ahaan u yiri: “Soomaali intay isu tagto iyadoo heshiis ah horta argagixisada dalkeeda haka saarto kaddibna ha isugu timaado Dowlad ay ku mideysan tahay” awuxuuna sheegay inuu si weyn ula socda dhaqdhaqaaqyada wadanka ka socda, ha yeeshee wuxuu ka gaabsaday inuu magacaabo wadamada iyo kooxaha caqabada ku ah qaranimada dalka Soomaaliya, diidanna in Soomaaliya uu ka dhasho nidaam dowli ah oo dib u soo celiya sharciga iyo kala dambeynta.

SomaliSwiss      Sanca

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: