Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo shalay u socdaalay dalka Ethiopia ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee  Dalka Soomaaliya kadib markii oo safar afar iyo labaatan saacadood ah uu ku gaaray Dalka Itoobiya.

Madaxweyne  Sheikh Shariif oo Muddo gaaban ku sugnaa dalka Ethiopia ayaa waxaa uu la kulmay Raisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Meles Zenawi waxayna ka wada hadleen xiriirka labada dal ee deriska ee xaga  siyaasada, amniga, gargaarka bani aadanimo iyo iskaashiga labada dal.

Sida ay sheegeen warbaahinta dalka Ethiopia in dhamaan arimahii laga wada hadlay ay ku dhamaadeen is afgarasho, sidoo kale Booqashada Madaxweynaha KMG Soomaaliya uu ku gaaray dalka Itoobiya ayaa la sheegay inay wax badan ka tari doonto wanaajinta xiriirka labada dal sidii  kor loogu sii qaadi lahaa.

Madaxweyne  Sheikh Shariif ayaa waxaa Safarkiisa ku wehliyay Raisul wasaare kuxigeenka ahna wasiirka gaashaandhiga mudane Cabdixakiim Xaaji Fiqi, Wasiirka Maaliyada Mudane Xusseen Xalane, Wasiiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdikariim Xasan Jaamac, iyo Wasiirul dowlaha Madaxtooyada mudane Cabdulqaadir Macalin Nuur.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: