Roobab mahigaan ah oo ka da’ay magaalada Jowhar iyo deegaanda ku hareersan.

Halkaan ka akhri

Roobab mihigaan ah oo dadka iyo duunyada ay ku diirsadeen ayaa ka da’ay magaalada Jowhar iyo deegaanda ku hareersan, hase ahaatee dadweynaha ayaa si farxad leh ku soo dhaweeyey raxmada Alle uu siiyey, kadib markii in muddo ahba aanu wax roob ah ka di’in deegaanadaas, markii sanadkii hore ay baaqdeen roobabkii la filayay.

Sidoo kale Roobkan oo ahaa mid socday muddo saacado ah, ayaa waxaa la soo sheegay in wadooyinka magaalada ay biyo dhigeen, isla markaana dadka ay ahaayeen kuwo aad ugu baahnaayeen, maadaama xilli kuleyl iyo abaaro lagu jiro.

Dadka reer Jowhar ayaa sheegaya in roobka sidoo kale ay ka da’een deegaanada ku dhow iyo qeybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Dhexe, oo ah deegaanada ugu badan ee abaaraha saameeyeen.

Dhanka kale dadka reer jowhar ayaa waxay hada u diyaar garoobayaan tacbashada beerahooda, kadib markii in muddo ku dhow labo sano ay yaraadeen dalagyadii ka soo go’i jiray beeraha.

waxaa kaloo lagu soo warramayaa in Roobabka ay ka da’een deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo dadku ay si diiran ugu qabowsadeen, sidoo kale waxaa  kaloo ay ka curteen roobabkan gobolo kale oo  ka mid ah Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee Xilligan oo ah waqtigii roobabka la filayay ayaa waxay dadka Soomaaliyed rajeynayaan inuu Alle ka waraabiyo raxmadiisa, isla markaana uu ka dulqaado culeyska iyo dhibaatada ku habsatay, gaar ahaan abaarta iyo dagaalada aan dhammaadka lahayn oo dadka Soomaaliyed xilligan si isku mid ah u wada saameysay.

SomaliSwiss       Jowhar

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: