Golaha Wasiirada Xukuumadda KMG Soomaaliya oo go’aan ku gaaray in gudaha dalka lagu qabto shir wada tashi iyo dib u hishiisiin ah.

Halkaan ka akhri

Kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa looga hadlay sidii gudaha dalka loogu qaban lahaa shirka dib u hishiisiineyd, waxayna sheegeen inay isugu keenayaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xubnaha golaha Wasiirada Xukuumadda KMG Soomaaliya oo Kulankan maanta isugu yimid, ayaa waxaa shir gudoominayay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Max’ed C/laahi Farmaajo, iyadoo ajandaha kulankaasi diirad lagu saaray shirkii kusoo gaba gaboobay Magaalada Nairobi ee Xarunta dlka Kenya.

dood dheer iyo falaqan keyn kadib Golaha ayaa waxay Wasiiradu si wayn u cambaareeyeen shirkii Qaramada Midoobay ay ku sheegtay wada tashiga kaasi oo ay ku tilmaameen in uusan kasoo bixin wax miro dhal ah.

Afhayeenka dowladda KMG Soomaaliya Injineer C/raxmaan Yariisoow ayaa saaxafadda u aqriyay go’aamo dhowr ah oo kasoo baxay golaha Wasiirada, waxaana qodobada kasoo baxay ka mid ahaa.

 1.    In dowladda KMG ay diyaar u tahay in wadi tashi, isla xisaabtan iyo dib u hishiisiin dhab ah ay dhexmarto dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, hanoqdaan Maamulada gobolada, Ahlu Sunna, Ururada Bulshada Madaxda dhaqanka iyo kuwa diinta iyo kooxaha kasoo horjeeda dowladda.

 2.    Guddiga siyaasadda ee heer wasiir ah inay kasoo talabixiyaan habka ugu haboon in shir Soomaalida ay isugu timaado wadanka gudahiisa islamarkaana ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbiyaan golaha Wasiirada.

3.    In shir wada tashi iyo dib u hishiisiin heersaro ah lagu qabto dalka gudahiisa bisha June 11-keeda ilaa 16-ka, shirkaani oo ah mid dowladda KMG ay horseed ka tahay, iyadoo la tashanaysa islamarkaana kaa shanaysa beesha Caalamka iyo QM.

4.    In ajandaha Macluumaadka iyo qorshaha shirkaani uu noqod mid dhamaan ka qeybgalayaasha lagala tashto si uu u noqdo mid ay dhamaan ka qeybgalayaasha ay isku raaceen, waxaana golaha waiiradu uu isku raacay in dhamaan qeybaha bulshada la gaaro oo lagala  tasho ajandaha iyo waxa la filayo inay kasoo baxaan shirkaasi, shirkani ayaa noqon doona mid wad tashi siyaasadeed islamarkaana looga hadlayo habka loo wajahayo Mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed.  

Si kasta ha ahaate go’aamadan oo  ay maanta qaateen Wasiirada Xukuumadda KMG Soomaaliya ee ah in dalka ay ku qabanayaan shir wada-tashi iyo dib u hishiisiin ah oo ka dhici doona bisha June gudaha dalka Soomaaliya ayaa imaanayaa xili uu sii xoogaysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Mas’uuliyiinta ugu sar sareysa dowladda KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: