Shirkii wada tashiga Soomaalida oo maalintii 2aad gelay, lana soo gabagabeyn doono maanta.

Halkaan ka akhri

Shirkii wada tashiga Arrimaha Soomaalida oo xalay fiidkii la soo gaba gabeeyay, kaas oo  looga hadlayay arrimo la xiriira Siyaasadda dalka Soomaaliya, hase ahaatee waxaa shalay shirka hareeyay buuq, kadib markii ergada uga qeyb galeysay Ahlusuna uu dhex maray muran, taasoo keentay in dibada looga saaro.

Shirkii shalay ayaa ahaa mid kala war qaadasho iyo aragtiyo ay is dhaafsanayeen ka qeyb galayaasha ayaa waxaa markii hore furay Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Amp. Agoustine Mahiga.

dadkii ka hadlay shalay shirkaas waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan, wuxuuna sheegay in Baarlamaanka uu soo maray caqabado kala duwan, wuxuuna  xusay in hada uu heysto caqabadahaas sida uu yiri.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo ka hadlay shirkaas ayaa wuxuu ku eedeeyay Dowladda KMG in aysan wax wada tashi ah la yeelan Maamulada dalka, isagoo shirka ka sheegay in loo baahan yahay in la yareeyo tirada Baarlamaanka.

Dhanka kale kulanka oo gaaray ilaa xalay fiidkii ayaa hadana arrinta taagneyd waxay aheyd muranka soo dhex galay wafdiga Ahlusuna, waxaana furitaankii shirka hareeyay buuqa, kaas oo keenay in Afhayeenka Ahlusuna ee Muqdisho Sheikh Soomow iyo ninka Afhayeenka Yurub u qaabilsan Owliyo ay isku dhaceen, taasoo keentay in shirka dibada looga saaro Mr Owliyo, xitaa waxaa uu ku sigtay in ay xiraan Ciidamada.

Si kasta ha ahaatee waxaa Maanta la filayaa in shirka uu dhexmaro dhinacyada Soomaalida iyo Beesha Caalamka, waxaana lagu wadaa in marka maanta la soo gaba gabeeyo looga hadlo arrimo dhowr ah oo quseeya arrimaha soomaaliya, waxaana lagu wadaa in laga soo saaro war-murtiyeed.

SomaliSwiss  Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: