Imaaraadka Carabta oo sheegay in burcad badeedda Soomaalida ay caqab ku yihiin dhaqaalaha dalkaas.

Halkaan ka akhri

Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in burcad badeeda Soomaalida ay caqab ku noqdeen dhaqaalaha dalka Imaaraadka, waxayna caddeeysay  in dhaqaalo fara-badan ay ku bixinayso sidii loo cirib tiri lahaa dhamaan burcad badeeda Soomaalida.

Amiir C/laahi Bin Zaid Ala-nahayaan oo ah Wasiirka arimaha dibadda ee dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in burcad badeeda Soomaalida ay caqabad ku noqdeen dhaq-dhaqaaqa Gaadiidka badda ee  dalka Imaaraadka, waayo burcad badeeda waxay qafaasheen Maraakiib dhowr ah oo ku soo socota iyo kuwa ka baxay dalka Imaaradka Carabta.

Wargeska Sharqul Owsad ee ka soo baxda dalka Masar oo Wasiirku u waramayay ayaa wuxuu sheegay in dowladda Imaaradka ay ka go’aansatay inay lacago aad u farabadan ugu deeqdo sanduuqa la dagaalanka burcad badeed ee Qaramada Midoobay si burcad badeeda loogu saaro guud ahaan Xeebaha Soomaaliya.

Hase yeeshee waa markii ugu horeysay oo Mas’uul sare oo ka mid ah dowladda Imaaraadka Carabta uu ka hadlo burcad badeeda iyo dhibaatooyinka ay ku hayaan Maraakiibta isaga kala gowshta Xeebaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan.

SomaliSwiss   Qaahira

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: