Maamulka gobolka Banaadir oo mamnuucay shirarka lagu qabanayo Hotellada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Dowladda Hoose ee gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in shirarka ka dhacaya Hotelada waawaayn ee ku yaala Magaalada Muqdisho uu yahay mamnuuc, waa haddii aan laga soo qaadanin fasax Maamulka gobolka Baanadir.

Xogyaha Maamulka Dowladda hoose ee gobolka Banaadir C/kaafi Hillowle Cismaan ayaa amarkaas ka sheegay qaar ka mid  Warbaahinta ka howgesha magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in shirarka siyaasadeed ee lagu qabanayo Hotelada Magaalada Muqdisho iyo banaanbaxyada la qabanayo ay yihiin mamnuuc.

Sidoo kale C/kaafi Hillowle Cismaan wuxuu digniin u jeediyay Maamulada Hotelada Magaalada Muqdisho kuwaasi oo uu ugu digay in Hoteeladoodu aan lagu qaban wax shirar ah oo lagu kala qeybinayo dowladda KMG Soomaaliya.

Dhanka kale Xoghayuhu wuxuu shegay in ujeedada laga leeyahay amarkaasi ay tahay sidii loo adkeyn lahaa Ammaanka Gobolka iyo nabadda, balse ma ahan ujeedada in lagu waxyeelaynaya howlaha Hotellada.

Hase yeeshee Xoghayuhu oo la waydiiyay banaanbax ay horey u soo  abaabuleen Maamulka gobolka Banaadir lagu laayay dad rayid ah, ayaa wuxuu ku jawaabay inay horey u ogaayeen in uu jiro cadow dibadda ah, balse haatan uu u jiro cadow ku dhex jira dowladda KMG Soomaaliya.

Amarka ka soo baxay Maamulka Dowladda hooe ee Gobolka Banaadir ayaa yimid, kadib markii maalmihii u dambeeyay ay Hotelada Magaalada Muqdisho ay hareeyay kulamo iyo shirar siyaasadeed oo gooni gooni ah, kuwaasi oo inta badan siyaabo kala duwan ugu hadlay arimaha shirka Nairobi iyo qilaafaadka weyn ee ka dhex jira dowladda KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: