Xuska Sanad-guuradii 51aad ee As-aaska Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Maanta oo ah 12ka April ayaa waxaa loo dabaal dagayaa Sanad-guuradii 51aad  ee ka soo wareegatay markii la aas aasay Ciidamada Xooga dalka waxaana munaasabadaas lagu qabtay  Magaalada Muqdisho, iyadoo ammaanka si aan horay loo arag loo adkeeyay, markii Ciidamo fara badan lagu soo daadiyay Xaafadaha iyo Wadooyinka Muqdisho.

Waxaa munaasabadan lagu qabtay Xarunta Villa Baydhabo oo ah halka Taliska u ah Ciidamada Milateriga Dowladda ayaa waxaa ka scoota qaban qaabada xaflada Maalinta Ciidamada Xooga dalka loogu dabaal dagayo, waxaana halkaas ku sii qul qulaya Mas’uuliyiinta Dowladda, Taliyeyaasha iyo Saraakiisha Ciidamada.

Mudane C/xakiin Xaaji Fiqi oo ah Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ahna Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa saaka ka hadlay warbaahinta ku hadasha Codka Dowladda isagoo ka jeediyey hambalyo ku aadan maalintan u diray Ciidamada Xooga dalka, wuxuuna u rajeeyay in sanadkan kiisa kale ku gaaraan nabad iyo barwaaqo.

Ciidamada Dowladda ee lagu soo daadiyay wadooyinka ayaa la sheegay inay ka hortagayaan falal ammaan daro, ama qaraxyo iyo weeraro lala bartilmaameedsado goobaha ay ka dhaceyso munaasabada, iyadoo maanta Muqdisho ay gashay saxmad ciidan.

Dadweynaha reer Muqdisho ayaan wax caqabad kala kulmin ciidamada, iyadoo si wanaagsan kula dhaqmaya dadka iyo gaadiika oo baaritaanada si caadi u isticmaalaya.

Dhanka kale Kooxda Baambeyda ayaa wadooyinka magaalada ku gaaf wareegaya, iyagoo garaacaya muusigada iyo astaanta, waxaana lagu wadaa in maanta Xarunta Villa Baydhabo lagu soo bandhigyo Ciidamo gaada ka ciyaar iyo fantasiyo sameynaya.

Waxaa kaloo Xafladda munaasabadan ka qeyb galaya kooxaha fanaaniinta ee Hobolada waabari iyo Horseed oo ku soo bandhigi doona suugaano kala duwan iyo heeso guubaabo u ah Ciidamada Dowladda.

Sida lagu soo warramaya Munaasabadan ayaa aad uga duwan munaasabadihii hore ee loo qaban jiray Ciidamada xooga dalka, iyadoo xilliyadii hore ay ahaayeen kuwo qarsoodi iyo meelaha Dowladda ku xoogan tahay lagu dhigo, hase ahaatee saaka ayaa ah mid taas wax badan uga duwan, iyadoo Ciidamada iyo kooxaha muusikada wadooyinka ku wareegayaan.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: