Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo ka qayb galay munaasabadda sanad-guurada 51-aad ee ciidamada xoogga Dalka Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed, wasiirka gaashaan dhigga iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda ayaa maanta waxay ka qayb-galay munaasabadda sanadguuradii 51-aad ee kasoo wareegatay aas-aaska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadan oo ka dhacaday xarunta Villa Baydhabo ayaa waxaa hadalo ka jeediyay masuuliyiin kala duwan, waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeyo Guuto C/qaadir Sheekh Cali Diini, wuxuuna ka warbixiyay taariikhda iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen ciidamada xoogga.

M/weyne Shariif oo isna hadalka qaatay ayaa amaan iyo duco u jeediyay ciidamada xoogga, waxaana uu ku dhaliilay beesha caalamka in ay dayaceen fursado badan oo wax looga qaban karay xaaladda Soomaaliya ka taagan.

Waxa uu ka codsaday ciidamada in aysan fiirin marxaladda siyaasadeeed ee iminka lagu jiro , balse ay fiiriyaan guulaha ay soo hoynayaan, sidoo kale waxaa xafladda ka hadlay wasiiro iyo saraakiil ka tirsan ciidanka.

Hase yeeshee Ciidamada oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa goobta kusoo bandhigay dheeletus ciidan, iyadoona ay hareer socdeen ciidamada Bambeyda.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com


%d bloggers like this: