Ciidamada dowladda KMG oo gacanta ku dhigay Tuulooyin ku yaalla Nawaaxiga degmada Dhoobley.

Halkaan ka akhri

Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo dhawaantan la wareegay degmada Dhoobley ayaa la sheegay inay ku sii faafeen nawaaxiga hoostaga degmada Dhoobley, waxayna la wareegeen Tuulooyin badan.

Tuulooyinka Jaldayste iyo Haawinaa oo hoostaga degmada Dhooblay, qiyaas ahaan 50-KM dhinaca bari kaga began degmadaasi, waxaana la seegay in ciidamada dowladda ay deegaanadaas kula waregeen, iyadoo aan wax dagaal ah ka dhicin.

Hase yeeshee ilaa haatan ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha dowladda KMG oo ku aadanaa la wareegitaanka ay Ciidamada dowladda la wareegeen gacan ku haynta Tuulooyinka hoostaga degmada Dhoobley, balse waxaa jira dhaq-dhaqaaq ciidan iyo abaabulo dagaal oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Xarkada Al Shabaab kaasi oo ka jira Tuulooyin hoostaga degmada Dhoobley.

Sida ay sheegeen dadka ku sugan deegaanka Tuulada Jaldayste ayaa waxay Warbaahinta u sheegeen in Ciidamada Al Shabaab ay ku sugan yihiin Tuulada Taabto oo qiyaas ahaan 60-KM dhinaca bari kaga beegan degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose.

Dhinaca kale wararka  ayaa sheegaya in Ciidamada Xarakada Al Shabaab ay cunuqabateyn saareen degmada Dhoobley oo maalmo ka hor gacanta ku haynteeda lagala wareegay AL Shabaab sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo wata gaadiid dagaal oo ku sugan Tuulooyin  ka fog degmada Dhoobley ayaa hakad galiyay gadiid Maciishada kala duwan ka qaadayay Deegaano iyo degmooyinka ka mid ah gobolada Jubooyinka kuwaasi oo ku wajahnaa degmada Dhoobley.

Sida la wada ogsoon yahay dadkii ku noolaa Degmada Dhoobley ayaa inta badan ay ka barkaceen, kadib markii dagaalo culus ay ku dhexmareen Ciidamada dowladda iyo kuwa Xarakada Al Shabaab.

SomaliSwiss     Dhoobley

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: