Banaan-bax looga soo horjeedo shirka wada tashiga Arrimaha Soomaaliya oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Banaan-baxyo ballaaran oo looga soo horjeedo shirka wada tashiga Arrimaha Soomaaliya oo maanta ka furmaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, bannaanbaxan oo ay soo abaabuleen Ururada Bulshada Rayidka ayaa wuxuu haatan ka soconaya degmooyin ka tirsan G/ Banaadir.

Waxaa lagu soo warramayaa in Dadweyne fara badan ay isugu soo baxay barxada iskaashatooyinka ee  Magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku sugan yihiin xubnaha bulshada u dhaq dhaqaaqa, waxaana dadka ay wataan boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo ay ku diidan yihiin shirkan.

Sidoo kale Banaan-baxan ayaa qeyb ka ah banaan baxyo siyaabo kala duwan ay u dhigayeen Ururada Bulshada iyo dadweynaha oo maalmihii u dambeeyay ka dhacayay Caasimada iyo qaar ka mid ah Gobolada dalka.

Dadka ka qeyb galaya Banaan-baxan waxay ku qeylinayeen halku dhigyo ka dhan ah Agoustine Mahiga oo ah Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Dhanka kale Xukuumada KMG Soomaaliya, Hogaamiyeyaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada ayaa horay uga soo horjeestay shirkan, ha yeeshee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrintan ku kala qeybsamay, iyadoo wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ay shirkan ka qeyb galayaan.

Si kasta ha ahaatee Banaan baxan ayaa ujeedadiisu tahay in indhaha beesha caalamka lagu soo jeedinayo in shirkaas aanay Soomaalida raali ka aheyn, waana markii u horeysay ee Soomaalida badankood ay si guud u diidaan shir dibada lagu qaban qaabiyo, tiiyo la xusuusan yahay in shirarkii horay Dibada loogu dhigay labaatankii sano aanay waxba ka soo bixin.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: