Wafdi ka socda Midowga Afrika oo booqasho xal raadin ah ku tegay Tripoli iyo Benghazi.

Halkaan ka akhri

Wafdi ka socda Midowga Afrika ee uu hormuud ka  yahay Madaxweynaha dalka Koofur Afrika Jacob Zuma iyo Madaxweynayaal kale oo Afrikaan ah ayaa booqasho xal raadin ah ku tegay Magaalada Tripoli ee Caasimada Libiya, si xaalada qasan ee dalka Libiya xal diblomaasiyeed looga gaaro.

Midowga Afrika ayaa dadaalkan Diblomaasiyadeed ku doonaya inay ku soo afjaraan xiisadaha ka taagan Libiya iyo fara gelinta reer Galbeedka oo wali duqeynaya Ciidamada Daacada u ah Madaxweyne Qadaafi oo hada awoodiisa la xidido siibay.

Madaxweynaha Koofur Afrika Jacob Zuma oo wada hadalo saacado dheer qaatay  la yeeshay Madaxweyne Qadaafi, wuxuuna sheegay in Hogaamiyaha dalka Libya Qadaafi uu ka aqbalay Qorshaha Nabadeed ee  Midowga Afrika waday.

Sida aad la socotaan Col. Qadaafi ayaa ku adkeysanayey xukunka, balse haatan u dhega nuglaaday, isla-markaasna  aqbalay hindisaha nabadeed ee ay u soo jeediyeen Wafdiga Midowga Afrika ka socda, waxaana hindisahaas ka mid ah Xabad joojin, in la fududeeyo gar gaarka caalamiga iyo inuu la hadlo Mucaaradka.

balse war uu sheegay Afhayeen u hadlay Mucaaradka ayaa ku caddeeyey in aanay aqbaleyn wax aan ka aheyn in Qadaafi uu xukunka ka dago, isagoo sheegay inay qaadacayaan haddii ay arkaan wax u daneynaya Qadaafi inuu xukunka ku sii dhegnaado.

Dhanka kale  shalay gelinkii hore ayaa weeraro la yaab leh Ciidamada Qadaafi ku qaadeen Magaalooyinka Ajdabiya iyo Misrata, iyadoo Taangiyo ay leeyihiin ay duqeeyeen goobaha mucaaradka gacan ku hayaan , hase ahaatee diyaaradaha dagaalka ee NATO ayaa bur buriyay ku dhowaad 25-Taangi ay leeyihiin Ciidamada Daacada u ah Qadaafi.

Si kasta ha ahaatee Bur burinta NATO ay u geysteen Gawaarida gaashaaman ee Qadaafi waxay ka dambeysay kadib markii Mucaaradka Libiya horay ugu caroodeen weeraro is xigay oo si qaldan ugu qaadeen baabuurtooda, kaasoo khasaare xoog leh uu ka soo gaaray Mucaaradka.

SomaliSwiss     Qahira

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: