Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland oo shalay gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Xaaji Maxamuud (Faroole) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo la filayo inuu ka dhaco shirka wada tashiga Soomaaliya 12-ka bishaan, balse Madaxweyne Faroole ayaa intii uusan ka soo ambabixin magaalada Garowe ayaa waxa uu la hadlay Saxaafadda, isagoo ka warbixiyay shirka ka dhacaya dalka Kenya iyo Dilalka abaabulan ee ka dhacaya degaanada Puntland.

Aragtida maamulka Puntland ee shirka ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo lagu casumay maamulada iyo qeybaha dalka Soomaaliya ka jira, waxa uu sheegay Madaxweyne C/raxmaan Faroole in shirkaasi uu yahay mid nasiib u ah Soomaalida oo arrimahooda uga tashanayaan, wuxuuna sheegay inay ka soo baxayaan go’aano dan u ah dadka iyo dalka.

Sidoo kale Madaxweyne C/raxmaan Faroole oo sheegay in shirkaasi wufuudu ay uga hadli doonaan xaaladda wadanka sidii ay isaga kaashan lahaayeen in wax laga bedelo hannaanka siyaasadeed iyo arrimo kale.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Puntland waxa uu ka hadlay Dilalka qorsheysan ee ka dhacaya degaanada maamulkiisa hoos yimaada, isagoo sheegay in falalka ka dhacaya gobolka Mudug, gaar ahaan dhinaca Puntland ay yihiin kuwo xun, balse waxa uu ku baaqay Madaxweyne Faroole in wixii dhacay laga dawoobo isla markaana wixii hadda ka dambeeya la joojiyo dilalka loo geysanayo odayaasha iyo Nabadoonada gobolka Mudug.

Ugu danbeyntii  Madaxweynaha maamulka Puntland oo ka hadlayey arrintaas wuxuu yiri: “Dilalka ka dhacaya Puntland haddii ay yihiin kuwo qabiil iyo haddii ay yihiin kuwo argagixiso waa falal xun”.

SomaliSwiss     Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: