Odayaasha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Digil & Mirifle oo ku baaqay in gudoomiyaha Baarlamanka xilka laga qaado.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Digil iyo Mirifle iyo Nabadoonadooda ayaa maanta shir ay ku qabteen magaalada Muqdisho waxaa ay ku baaqeen in xilka laga qaado guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan, isla markaana ku eedeeyey inuu doonayo in uu burburiyo jiritaanka dowladda  KMG  Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha dhaqanka iyo Midnimada beelaha Digil iyo Mirifle Siciid Cumar Xaaji ayaa warbaahinta u sheegay in ugu horeyntii ay taageersan yihiin go’aankii Xukuumada KMG  Soomaaliya ay ku qaadacday ka qeybgalka shirka Nairobi maanta ka furmay ee QM. ay soo qaban qaabisay .

Siciid Cumar Xaaji wuxuu tilmaamay in xubnaha uu hogaaminayo Shariif Xasan Sh. Aadan ay yihiin dad sharciga hareermaray, isla markaana doonaya in ay dumiyaan dowladda KMG Soomaaliya, waxayna xildhibaanada Baarlamaanka ugu baaqeen in ay xilka ka qaadaan.

Sidoo kale afhayeenka golaha Digil iyo Mirifle Madiyow Maxamed Aftiin oo isna goobta ka hadlay ayaa xusay in dalka Soomaaliya ay ka jirto xukuumad,  isla markaana ay fiican tahay wixii shirar siyaasadeed ah in iyada looga dambeeyo, wuxuuna hoosta ka xariiqay in shirka Nairobi aysan ku jirin danta shacabka Soomaaliyeed.

Hadalka odayaashan ayaa ku soo beegmaya xilli maalinta berri ah la filayo in uu ka furmo shirka ay QM. ugu magac dartay shirka wadatashiga Soomaalida kaasoo uu garwadeen ka yahay Augostine Mahiga oo ah wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM. u qaabilsan Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: