Shir looga hadlayay waxqabadka ciidamada Amisom ee ka howlgala Muqdisho oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Mombasa.

Halkaan ka akhri

Magaalada Mombasa oo ah Caasimadda 2aad ee wadanka Kenya ayaa waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shir looga hadlayay waxqabadka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee howlgalka AMISOM Muqdisho u jooga, waxaana shikaasi oo ay ka soo qeb galeen madax ka tirsan Midowga Afrika, Saraakiisha iyo hoggaanka ciidamada AMISOM iyo qaar ka mid ah Warbaahinta Afrika, waxaana kulanka shirka lagu soo bandhigay filimo muujinaya waxqabadka ciidamada AMISOM.

Major Bridgaya Bhaku oo ah Afhayeenka ciidamada AMISOM ka mid ahaa xubnihii shirkaasi ka qeyb galay ayaa sheegay in xaalada magaalada Muqdisho ay ka soo reyneyso, markii loo eego sidii ay markii hore ahayd, wuxuuna sheegay in ciidamada Dowladda KMG ah iyo ciidamada AMISOM ay ku guuleysteen tallaabooyin horumar ah oo dhinaca dagaalada ay Al-Shabaab kala horjeedaan ay gaareen.

Sidoo kale Afhayeenka AMISOM wuxuu sheegay in Ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay ku gacan sareeyaan gacan ku heynteeda magaalada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in aagag dhowr ah ay ka qabsadeen ciidamada xarakada Al-Shabaab, hase yeeshee afhayeenka AMISOM waxa uu ugu baaqay shacabka Muqdisho inay muhiimada koowaad siiyaan nabadgelyada iyo xasiloonida caasimada, taasi oo uu sheegay in nabadgelyo la’aan aanay gaari karin wax kasta oo horumar ah.

Mr. Wafula Wmayinyi oo ah Ku Xigeenka ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya oo ugu danbeyntii, halkaasi khudbad ka jeediyay xiritaanka shirkaasi mudada labada maalmood ah ka socday magaalada Mombasa ee wadanka Kenya ayaa kula dardaarmay Weriyayaasha shirka ka qeyb galay inay howlahooda runta ka abaaraan isla markaana aanay qorin warar been abuur ah oo aan xaqiiqda ka run sheegaynin ama saleysneyn.

SomaliSwiss     Mombasa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: